
Dalka Malaysia waa dal-weyn oo waxbarashadiisa aad loogu bogay lagana jacel yahay caalamka oo dhan,
Hadaba qofkii heysto basaboor Soomaali ah sidee buu ku heli karaa waxbarashada Balaaran ee ka jirtay dalkaasi Malaysia. Sharuudaha ayaa waxay kala yihiin”
1-Basaboorka oo dhamaan la-soo wada copy gareeyey,
2-Shahaadada dugsiga Sare oo copy ah labada dhinac,
3-hal xabo sawirka loo-yaqaano teesaraha ama size of passport.
4-Lacagta Fiisaha oo ah 300 oo dollar.
Sedexda boqol ayaa waxa lagu soo saaraayaa fiisaha waxbarashada aad ku imaan laheyd dalka Malaysia.
Fiisaha waxay kuugu soo baxaysaa ugu yaraan 20 maal-mood ugu badnaan 45 maal-mood,
Hadaba marka aad tagto dalka Malaysia waxaa loo-baahan yahay inaad barato koorso (course) luqada English-ka ah, oo qaadaneeso ugu yaraan 4 bilood ugu badnaan 8 bilood,
Lacagta waxbarashada ee lagu luqada ayaa kala duwan iyadoo ay ku xiran tahay hadba Machad-ka aad ka dhiganeyso, qiimaha ayaa waxay iskugu jiraan” Sida 1150 dollar, 1400 dollar, 1800 dollar,
Inkastow ay somalidu u badan tahay midka lagu dhigto 1150 dollar iyo midka 1400 dollar,
Sidoo kale luqada waxaa laga dhigtaa machad-yada dalka Malaysia oo loo-yaqaano Kuleej (college).

Inta aad dhiganeeso koleej-kaas ayaa waxaa sii-xareysan kartaa Jaamacadda aad ka heli karto Kuliyada aad rabto.
Waxaa qasab ah inaad horey u soo qaadato lacagta waxbarashada ee aad ku dhiganeyso machad-ka,
Maxaa yeelay haddii aadan wadan lacagtaas marnaba magaaladda magali kartit, haddii aadan lacagtaasi wadanin taas micnaheedu wuxu yahay in laguu celinaayo meeshii aad ka imaaday, haddii aad wadatit lacagta waxbarashada magaaladda waad geli kartaa waliba eelboor/Madaarka waxaa kuugu imaanaayo qof ka socda Machad-ka fiisaha ku soo saaray, qofkaas ayaana meesha kaa soo saari doono

Cidii daneeneesay waxay kala soo xiriiri kartaa Madaxa Isku Xirka Ardayda Soomaaliyadeed 0060123360041 Ama aqoon114@hotmail.com
Faafin Somalifans.Net
Filed under: Wararka