
Hargeysa oo kaliya kama dhacin munaasabada Xuska maalinta weyn ee jamhuuriyada somaliland dib ula soo noqotay xorrnimadeeda balse waxa kale oo aay ka dhaceen meelo kale oo ka tirsan dalka waxana ka mid ah magaalada xurunta ah ee burco caasumada gobolka togdheer
Munaasabada magaalada burco oo aheyd mid aad u heer sareysa ayaa lagu qabtay Fagaaraha khayriyada ee magaalada Burco waxana halkaasi ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan, waxana ka mid ah gudoomiyaha gobolka Mudane cabdullaahi Biin iyo duqa Degmada Burco Mudane Maxamuud Axmed Xasan oo iyagu dadka kala hadlay fagaaraha, boqolaal dadweyne ah oo isagu soo baxay halkaasi isaguna jiray Dhalinyaro, Odayaal, Haweenka oo dhowr dhinac ah gabdho yar yar iyo haween cirrole ah , sidoo kale waxa halkaasi yimid qaar ka mid ah ciidankii Mujaahidiinta Snm oo halkaasi iyaguna ku sugna
Mas’uuliyiinta halkaasi ka hadashay dhamaan ayaa ku dheeraday maalintan qiimaha badan iyo ahmiyada aay ledahay, sidoo kale waxay isla wada qireen dhamaan in maalintan qiimaha badan aay xasuus gaar ah u ledahay bulsha weynta reer somaliland, isla markaana aanay ku iman Ciyaar ciyaar balse aaay aheyd mid Geesiyaal badani ku nafwaayeen, Sidoo Mas’uuliyiinta halka ka hadashay ayaa dhamaan xusay in magaalada burco aay aheyd meeshii loga dhawaaqay gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland oo aay tahay magaalo xasuus gaar ah u leh shacab weynaha reer somaliland
Haddaba munaasibadan ayaa ugu duwaneyd kuwii hore loo qaban jiray dhinacyo badan, iyada oo markan aay xamasad gaar ah laheyd sidoo kalena aay ku soo aaday xili dalka aay ka jiran murano dhanka siyaasada ah, waxana la xusi kara in munaasabada maanta aysan ka soo qeyb gelin mas’uuliyiinta mucaaradka oo sheegay iyagu mar aan la xiriirnay in maamulka gobolku ku amray inaysan ka soo qeyb geli karin taasi oo aan la aqoon sababteeda in kasta oo malmahan dambe maamulka Rayaale uu kooxaha mucaaradka kula jiray dagaal adag
Somalifans Online
Filed under: Wararka