
Wargeyska Al Akhbaar oo ah wargeeys maalinle uguna cod dheer dalka Lubnaan ayaa wareystay Safiirka Soomaliya ahna Ergayga Joogtada ah Soomaliya u fadhiya sal dhigga Jamciyada Quruumaha udhaxaysa waaxda Jineefa, MudaneYusuf Maxamed Ismaaciil Bari-Bari.
Wargesykiina wuxu hadalkiisa ku bilaabay…..
Wuxuu shaqadiisa u qabta si aan daal iyo niyad jab ama hattaar laheeyn iyadoo ay haysato dhibaatooyin dhaqaale oo adag taasoo muujinaysa xaalada Soomaliya kataagan oo aad iyo aad u liidata.
Bari-Bari oo hadda noqday qof afka lagu wada hayo ama ay ku sheekaystaan dadka Diblumaasiyiinta ah hadday Ajaanibi yihiin iyo hadday Carab yihiinba oo ku nool Switzerland. Xafiiska oo ku shaqeeyo oo yar oo ka kooban laba qol oo waliba kiro ah, maalin walbana wuxuu jaraa 120 km oo uu ku yimaado tareen inta u dhaxaysa Lausanne iyo Jineefa sababtoo ah isagoo an lahayn wax gaadiid ah. Sidoo kale, waxaay dantu ku kalliftaa badanaa in uu lugeeyo iyadoo ay hareera marayaan gawaadhida dadka la jaalka ah sida Sufaraada Carbeed ama Ajaanibta.
Issagoo Xafiiskiisa fadhiya oo telefoonka ugu warramaya Wargeska Al Akhbaar buu ka hadlay xaaladiisa wuxuuna ku jawaabay isagoo kalsooni waayn ka muuqato cod yididiilo leh : « waan ku faanayaa inaan ugu shaqeeyo dadkayga iyo dalkaygaba qaaliga ah anigoo aan taakulo heleyn, baaskiilna ALLAH swt ka dhigee.
Marka la eego, Qunsuliyada oo aan iyaduna xaladeedu fiicnayn, wuxuu ogaaday Safiirku markuu bilaabay shaqadiisa sanad ka hor, in Safaarada lagu lahaa, laguna leeyahay diyuun fara badan oo ay kuleeyihiin shakhsiyaad iyo shirkado gaar laga leeyahay dalka Switzerland. Iyadoo looga baahanyahay Dowlada Soomaaliyeed in ay bixiso daymankaa is biirsaday. Iyadoo waxaasoo dhibaata ahi jiraan ayuu Bari-Bari uu leeyahay « waxaa aniga ila gudboon sidaan kalsoonidii luntay aan ugu soo celin lahaa Qunsuliyada Jineefa iyo sidii aan ku dhisi lahaa wada shaqaayn ka dhaxaysa Dowladda Switzerland iyo Dowladda Soomaaliyeed ».
Dhibaatooyinka hortaal Bari-Bari kuma koobna dhaqaalaha oo qudha, ee waxaa jira dhibaatooyin ku saabsan xidhiidhka Ergada Soomaaliyeed iyo Ergooyinka diblumaasiyiinta kale oo ay ka mid tahay Ergada Jamacadda Carabta oo xafiis ku leh daarta ay ku taal Ergada Soomaaliyeed , iyadoo xidhiidhkoodu anu u wanaagsanayn sidii uu ahaan jirey dawladdi Somaaliyeed ee ku meel gaadhka ahayd ee hore iyo saldhiga Jaamacadda Carabta ee magaala madaxa dalka Masar.
Waxaa intaa raaca sida uu sheegayo Bari-Bari laba qof oo kaliya ee ka hawl gala Ergada Soomaaliyeed ee Jineefa ma qaban karaan hawlaha lama huraanka ah ee meeshan yaalla. Siiba marka la eego hawlaha ay Ergada ka fuliyaan Jineefa oo saldhig u ah hay’adaha Xuquuqal Insaanka iyo Arrimaha Bani’adaanimada kuwaasoo lagama maarmaan u ah Dalalka sida Soomaliya oo kale oo u baahan taakulooyin badan oo kala duwan oo Bani’adanimo iyo Hor-u-mar iyo sidii aan loogu xad gudbin xuquqda Bani’adaanimada.
Intaa kuma koobna dhibaatooyinka horyaal Bari-Bari. Waxaa u dheer dhibaatada haysata Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland oo tiradoodu gaadhayso 6000 oo qof taasoo ku saleeysan dhinacyada maamulka (guurka, furniinka, dhalashada caruurta iyo dhimashada, qaxootinimada, iwm). Wuxuu Safiirku ku dadaalaya inuu wax ka qabto dhiibatada haysata dadka oo uu ka shaqaynayo siduu arrimahooda xag dawladeed iyo xag nololeedba sare ugu qaadi lahaa isagoo aan haysan wax uu wax ku qabto.
Marka loo baydho dhibaatooyinka adag oo ay ku jirto Ummadda Soomaaliyeed taasoo ka dhalatay dagaalkii sokeeye ee sannadaha badan soconayey iyo wixii ka dhashay ee ahaa burbur muasasadihii Dowladda oo dhan iyo xad gudubka Xuquuqal Insaanka, oo ay uga horrayso inuu dadku xaq u leeyahay inuu nolol sharaf leh wuxuu u arkaa Bari-Bari in uu xalku ku jiro xoojinta salka Dowladnimada. Safiirku wuxuu kaloo aad u cadeeyey in arrinta ugu adag ee hor-taal Soomaaliya ay tahay sidii la isagu wadi lahaa nidaam siyaasadeed ku dhisan qabaa’ilada iyo nidaam federal ah o waafaqsan Shareecada Islaamka iyo dhaqankeena wangsaan ee soo jireenka ah.
Dhinaca kale siduu u arko Bari-Bari, Dowladda Soomaaliyeed waxaay xaq u leedahay in ay hesho caawinaad iyo qalabkii ay ku hawl gali lahayd si ay u gudato waajibaadka uu Caalamka ka dhoowrayo. Safiirka oo digniin bixinaya wuxuu ku nuuxnuuxsaday in ay sii xumaan doonto xaaladda Soomaaliya iyo waddamada deriska la ah haddii ay Dowladda Soomaaliyeed waxba qaban kari waydo haddii aysan helin caawinaada caalamka. Sidaa darted wuxuu Dowladaha Carbeed ugu boorinayaa in ay si la taaban karo uga qaayb galaan dejinta siyaasadda runta ah iyo dib-u-dhiska Soomaaliya iyagoo adeegsanaya Barnaamaj isu dhaan ah oo loo yaqaan Marshall Plan si xal gunta ka yimaada loogu helo dhibaatooyinka bulshada haysata si ay Soomaaliya dib ugu dhisanto inta aanay xeedho iyo fandhaal kala dhicin.
Arrimaha ku saabsan burcad badeeda, Bari-Bari wuxuu u arkaa inaanay cadaalad ahayn in xooga la saaro falalka qaanuunka dhaafsan ay samaynayaan burcad badeedu ”innaga oo aan eegayn xaalada uu Dalku marayo iyo arrimaha raggaas ku riixaya in ay ku dhaqaaqan falakaan”, wuxuuna ku daray ”waanu ka soo hor-jeednaa cambaaraayn kasta, nooca ay doonto ha noqotee, oo nooga timaada caalamka haddii aanan ka helayn wada shaqaayn ama caawimaad la taaban karo lana helo wakhtiga loo baahan yahay”. Wuxuuna ku soo afjaray hadalkiisa « Soomali hadaanu nahay anagaa dalkayagii quruxda badnaa baabi’istiisa ka mas’uul ah, danbigaana anagaa geysanay. Ha yeeshee mas’uuliyadaasi anaga naguma koobna
Somalifans Online
Filed under: Wararka