
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa dhacday inuu jid soo maray hogaamiyihii ciidanka Cali Ibn Abi Dalib (rc) oo la dhihi jiray Malik Ashtar. Nin dukaan ku lahaa jidka uu marayay abaanduulaha balse aanan aqoonin Malik oo ay la fadhiyaan saaxiibadiisa ayaa wuxuu ku yiri ‘ninkan dharka xun qabo ee na hormarayo hadaan wax u tuuro ka waran’? Markaas ayuu dhankiisa u tuuray shay ama walax. Nin ka mid saaxiibadiis ayaa yiri ‘War miyaadan aqoon ninkan?’ Dunkaanlihii ayaa ku jawaabay maya. ‘Waa Malik Ashtar, abaanduulaha Cali (rc)’ ayuu yiri saaxiibkii. ‘Macquul ma aha’ ayuu ku jawaabay dukaanlihii. ‘Waa saas’ ayu saaxiibkii ugu jawaabay.
Dunkaanlihii ayaa bilaabay inuu gargariiro, isagoo leh, ‘amuu hadee I dilaa? Yaa iga qaban abaanduulahan, hadana Cali (rc) la shaqeeyo? Wa inaan dambi dhaaf waydiistaa ninkan’. Kadib ayuu daba galay Malik Ashtar oo isaga aaday dhankii Masaajidka. Ashtar salaad ayuu galay, kadib markuu uu ka baxay ayaa waxaa u yimid dukaanlihii, kadib ayuu yiri ‘Inaan danbi dhaaf ku waydiisto ayaan u imid. Aniga ayuu ahaa ninkii qashinka kugu soo tuuray ee raali ahow’.
Malik ayaa ku jawaabay: “Ilaahay ayaan ku dhaartay ee adiga dartaa ayaa u imid Masjidka maxaa yeelay waxaan arkay nin dhunsan inaad tahay, marka inaan Ilaahay (sw) kuu baryo ayaan usoo galay halkan. Dadka aan waxba kaa galabsan ayaad daandaansatay, hase ahaatee aniga ma rabin inaan ku dhaawoco ama aan ku ciqaabo”.
Faa’iido: Waa laga wanaagsan yahay horey inaad xanaaqdo marka wax lagu geysto maxaa yeelay xanaaqa shaydaanka ayuu ka yimaadaa, Sidoo kale inaadan ku xanaaqin wax yaalaha xun ee kaaga imaada saaxiibada ama dadka daciifka ah ayadana waa wanaag.
Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email: adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia …..
Faafin Somalifans.Net
Filed under: Wararka