DEGAANKA IGDHAYS OO AAY WALI KA TAGAN TAHAY XIISAD COLAADEED IYO WALIBA ODAYAASHA DHAQANKA OO MAANTA SHIR MUHIIM AH QATAY (Warbixin)

dagaal degaan

Degaanka Igdhays ayaa weli waxa halkii ka sii socda dagaalo u dhaxeeya beelo walaalo ah oo halkaasi wada degan, dagaalkii ugu dambeyey ayaa galabta ka dhacay halkaasi waxana la sheegay inu ku dhaawacmay hal qof oo dhaawaciisa goor dhoweyd oo caawa ah la keenay magaalada bosaso ee xurunta gobolka bari

Dagaalada ayaa ah kuwa malmahan ka socday halkaasi in kasta oo hawsha degaanka Igdhays hore loo dhameyey balse waxad u malaysa in xalka u dib u soo furmay madama beelaha degaanku wali ku jiran dagaalo, sidoo kale maalintii shalay ayaa la sheegay in dagaal xoogan iyo israsaaseyn aay ka dhacday meel lagu magcaabo Tuurka oo u dhow degaanka Dharoor ee gobolka bari halkaasi oo lagu rasaaseyey Gaari xamuul ah oo woday shidaal sidaa la sheegay iyo rasaas in kasta oo ugu dambeyntii gaariga gacanta aay ku dhigeen beeshii weerarka ku soo qaday halkaasna aay ka baxsadeen ciidankii iyo gawaardii kale ee la socotay gaariga Booyada ah

Sidoo kale waxa xiran isku socodka degaanada gobolka bari kadib markii xaladahan xiisada oo dhamaan gaawaridii shacabkii u kala safri jiray degaanka ayaa aad uga murugsan dagaalada iyo xiisadaha colaadeed ee mar kale ka soo qarxay degaanka Igdhays iyo degaanada kale ee ku dhow dhow

Dhanka kale Odayaasha iyo waxgaradka degaanka ayaa maanta shir baldhan uga ku yeeshay tuulada Kobdhexaad ee u dhow degmada Ufayn, shirka ayaa la sheegay in loga wada hadlay sidii xabada lagu joojin laha iyo sidii isku socodka dadka iyo gadiidka dib logu furi laha waxana la sheegay in wax badan la isla fahmay in kasta oo aaysan ka soo bixin natiijo Rasmi ah

 

Yusuf Cali

Somalifans Online

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers