HAWIYE MA TEGEY MISE WAA JOOGAA !!!!!!?‏

hawiye

Xikmadaas waxaa yiri Oday hawiye ah oo aad u liito, dhibaatooyin faro badanna kala kulmay magaalada muqdisho,laba wiil uu dhaley lagu diley xamar isla hawiyaha aya ka diley.

Wuxuu ka mid ahaa Odayaasha reer magaalka runta ah ee muqdisho, wuxuu ka mid ahaa odayaashii xamar wax laga weydiin jirey, la ixtiraami jirey , isku darsadey xadaarad reer magaalnimo,iyo xikmad, muddo badan ayuu xamar ama muqdisho ku noolaa intii dawladihii hore oo dhan jireen, hadana kama uu bixin intii dagaalada Hawiye- Vs -Hawiye ka socdeen magaalo madaxda somaliya , wiilashiisu kan weyn wuxuu ka qalin jebiyey scoula Maritimo wuxuuna ahaa shaqaale dawlad, odaygu iyo wiilashiisuba siyaasadda wax shaqo ah kuma lahaayeen , waxay ahayeen dad madani ah oo shaqo yaqaan ah

Wuxuu afgaran waayey maliishiyaadka xamar isku dagaalaya oo isku haysta had iyo goor, wuxuu ogaa in ay yihiin dhalinyaro reer miyi ah oo laga keeney GALGADUUD lagana dhaadhiciyey Muqdisho indinkaa leh, Magaalada xamar waa magaalo Hawiye Si kastaba ha ahaate wax wax ka maqla ama hadal ka hoos qaado ayuu waayey inta dagaalada socdeen ilaa 20 sano ku dhowaad, isaga iyo islaantiisa isku ag gaboobeen madaama ay labadii wiil laga diley, oo u qun yar socod iska noqdey,

Odayga isagoo meel iska fadhiya oo iska tasbiixsada oo ku ducesta Ilaahow kuwan wax xamar ka qabta u keen, ayaa maalin maalmaha ka mid ah maqley Ethiopian iyo dawladdi baydhaba fadhidey ayaa xamar soo gashey, wixii dhacayba way dhaceen, wixii burbureyna waa burbureen, wixii qaxayna waa qaxeen, wixii la jiireyna waa la jiirey, ugu dambeyntii wuxuu maqley CIIDAMA ETOOBIYAANKA WAA BAXAYAAN HADANA ayaamo ka bacdi wuxuu maqley Cabdillahi yusuf xamar waa ka tegey wuuna iscasiley, dhaqaaji odayga Daarood

Muddo ayaamo ka bacdi isagoo fadhiya meel lagu qaxweeyo ayaa waxaa loo sheegey in hadda ay xamar (Muqdisho) nabad noqoneyso oo hawiye siyaasadiisu wanaagsan tahay oo Cabdillahi yusuf kaga tuureen (Arrey hal Daarood ah sow noogu talihaa), Nuur Cadde waa halyeey,w Waa siyaasi, jilbba cadaa ah (yacni waxay ka wadaan ruug cadaa)

Shariif Axmedna iyo wadaadadii wuu la heshiiyey mar dhow jabuutaa lagu soo dhisaa dawlad aan anaka hawiye rabno , xamarna dib dambe dhibaato, dagaal iyo maliishiyaad isqabqabsada laguma arki doono, waa is fahamney hawye hadaan nahay , odaygu maliishiyaadka in galgaduud laga keeney wuu ogyahay oo ay weli ila waqtigaas ay ku soo qulqulayaan muqdisho , hawiye kastaba ha ahaaden, wuuna ogyahay in aysan miyi ku noqoneynin (KOR WAAYEEL WAA WADA INDHO) wuxuu caloosha ka yiri kuwaan kuwa noqonaya ma ehee, walle isqabqabsi inaaney ka dhamaan muqdisho inta reer miyaaga galgaduud ay joogaan, odaygu isagoo dhalinyaradaa da’da yar la hadlayo ee halka lagu qaxweynayo la fadhiyaa ayaa ugu dambeyntii hadalkiisa ku soo koobey ama ku soo gunaanadey (XABASHI way baxaysaa, CABDULLAHI YUUSUFNA WAA ISKAGA DEGEY MADAXTINIMADII, laakin waxaan idiin weydiiyey HAWIYE MA TEGEY MISE WAA JOOGAA XAMAR !!!!!!!!! MUQDISHO ? Nabad ma jirto inta hawiye joogo !!!!!!!!!!! Ayuu yiri

Akhristoow aan dib u noqonno waxoogaa madaxweyne Maxamed siyaad barre, Maxaa ka dambeeyey wixii dhacay marqaati ayaan ka wada nahay.

Cabdillahi yusuf isna waxaa lagu colaadinayey in uu beesha daarood ka dhashay kambeyn aysan u kala harin hawiye ayey ku qaadeen si uusan madaxtinimada waddanka u sii hayn wadaadadooda iyo mooryaantoodaba

Hadda iyo dan hawiye Waxaa shalay ku soo xaroodey magaalada muqdisho mid ka mid ah munaafiqiinta waa weyna ee hawiye, isagoo ku dhaaranayo diinta, laba habeen buu seexdey, fidmadii ay la Aamusnaayen buu bilaabey, dabkii shidnaa buu baansiin ku shubey hadda xamar way holceysaa, waana hawiye dhexdiisa , shaarar kala duwanna way isu gashadeen

Hadabo CABDILLAHI YUSUF na waa idiin ka soo tegey , taariikhdu ma naxariisato, way isqoreysaa mar dhow waxaanu oran CABDILLAHI YUSUFNA MAXAA KA DAMBEEYEY, Maxamed siyaad Allaah Ha U Naxariiste ka dib idinkaa ka markhaati noqdey oo waad qorteen, taariikhdu ma naxariisato idinkaa qorey oo afka furtey

Ugu dambeyntii dawladdan hadda yaa idiin ku haysta , somali diin kuma haysato faraha ayaan idiin geliney, waanu idiinka war sugeynaa, somaliweyn wey idiin daawaneysaa ,cidna kuma eedeyneysaan dawladda Ama CAASIMADDA MUQDISHO nadiifinteeda

OGAADA XAMAR AMA MUQDISHO INAY TAHAY CAASIMADA SOMALIYA OO BEEL QURA INAANEY LAHAYN

 

Ahmed K.

Ahmedd10@gmail.com

Faafin Somalifans.Net