MIISAANIYADA KU TALAGALKA 2009 OO MAANTA LOO QAYBIYEY GOLAHA WAKIILADA IYO XIL WAREEJIN TALISKA BOOLISKA OO LAGU QABTAY GAROWE Warbixin

goalah

Miisaaniyada ku talagalka 2009 ayaa manta waxa la hor geeyey golaha wakiiladda DGPl ka dib, markii ay golaha xukuumaddu cod aqbaliyad ah ay ku ansixiyeen shalay oo Jimce ahayd, ka dib markii loo balamay shirkii khamiislaha ahaa

go
Ka hor intii aan loo qaybin buuggii lagu soo diyaariyey Miisaaniyada 2009 ayaa waxa golaha warbixin kooban ka siiyey Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sheekh maxamed Maxamud isaga oo sheegay in sida loo soo diyaariyey aad ku qanci doonaan mudanayaashu, ka dibna waxaa uu madaxweynuhu ku wareejiyey wasiirka Maaliyada Mudane Faarax Cali Jaamac oo halkaasi ka khariyey qoraal ka koobnaa dhowr bog oo uu ku faah faahinayey ku talagalka Miisaaniyada 2009, kharaj iyo mushahar kordhin la kordhiyey 85% iyo 20% Arrimaha, Nabadgelyada Iyo Horumarinta

golaha
Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey codsi u u soo jeediyey in ay ansixiyaan ka dib marka ay soo eegaan, waayo waxa na horyaala hawlo badan oo doonaya in wax laga qabto, Mudanayaasha ayaa laga dhowrayaa in ay hawlaha ansixinta miisaaniyada guda galaan

taliye

Dhanka kale Xaflad xil wareejinta taliska booliiska Puntland ayaa maanta ka dhacaday xarunta Wasaaradda Ammniga iyo DDR, xafladan ayaa waxa ka qaybgalay Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed, Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo qaybaha kala geddisan ee taliska booliiska Puntland

Xafladan ayaa waxa xilka maanta si rasmi ah ugula wareegay Taliyaha Cusub ee Booliiska DGPL Gashaanle Sare Muuse Axmed Saalax (Juqraafi)
Munaasibada ayaa waxa ka hadlay wasiirka Amniga Puntland Gen. Cabdillaahi Siciid Samatar oo ka hadlay hawlaha horyaala Taliska cusub lana rabo in uu wax ka bedelo Booliiska Puntland, wasiirku waxa uu intaasi ka dib hadalkii ku wareejiyey Madaxweynaha DGPL Md. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed oo sheegay in mudadii dawladdu jirtay ay ku hawlanayd sidii loo heli lahaa Taliye Khabiir ah oo waayo aragnimo u leh hawsha Booliiska ”Waxaanu ku guulaysanay in aanu helno Gashaanle Sare Muuse juqraafi oo ah in kornayl ah hawlaha Booliiskana ku xeel dheer, waxaan rajenaynaa in uu wax badan ka qaban doono Booliiska Puntland” Ayuu Yiri Mudane Cabdiraxmaan Sheekh maxamed

Xaflada ayaa ku soo dhamatay jawi aad u wanaagsan iyada oo la filayo inu hawlahiisa shaqo bilaabo taliyaha cusub ee xilka la wareegay maanta G/Sare Juqraafi

 

Somalifans Online

 

Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@hotmail.com

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers