Madaxweynaha DFKMG Mudane Shariif axmed oo maalmahan dambe cudurkii hargab doofarku ku dhacay ayaa maanta is tiilay oo shir jaraa’id ku qabtay xurunta madaxtooyda Ee villa Moqdisho
Madaxweynaha ayaa ka hadlay arrimo badan oo aay ka mid tahay Sidaa uu u arko maamul goboleedyada la mid ka ah ee ka jira dalka iyo waliba arrimaha burcad badeeda sidoo kalena waxa u ka hadlay Md. Sheekhul Shariif Arrimaha Dilalka qorsheysan ee ka socda Moqdisho
Mr shariif axmed ayaa arrinka kowaad ee dilalka qorsheysan sii weyn uga soo horjeestay isaga oo arrinkaasi cambaareyey kuna tilmamay wax sharciga ka baxsan, shariifka ayaa sheegay inu aad uga xun yahay dilalka loo geysto dadka aan waxba galabsan iyo xubnaha baarlamaanka dowlada Somaliya
Shariifka ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha Dowlad Goboleedyada la mid ka ah ee ka jira dalka isaga oo sheegay inusan aqoonsaneyn dowlad goboleedyo balse arrinkiisa tahay dib u heshiisin iyo isku soo celin dadka kala irdooba
Sidoo kale Shariif ayaa sii weyn uga hadlay arrimaha burcad badeeda isaga oo sheegay in dowlada KMG ciidamo sameysan doonto ka hortaga kooxaha Burcad badeeda lana dagaalama meel kasta oo aay joogan
Shariifka ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha baddaha somaliya waxana u sheegay in dowladda KMG ay ku saxan tahay heshiiskaasi ay la gashay dowladda Kenya, isagoona tilmaamay in uu faa’id badan u leeyahay dalka Somaliya, sida uu hadalka u dhigay
Wuxuu sheegay in si khaldan loo fasiray heshiiskaasi oo ku saabsan xadeynta xuduuda dhanka badda ay ka wadaagaan Somaliya iyo dalka Kenya, isagoo tilmaamay in dowladda KMG faah faahin dheeraad ka bixin doonto qodobka ku saabsan heshiiskaasi
Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horaysay oo Madaxweyne Shariif Axmed uu ka hadlay heshiiska muranka badan dhaliyey, inkastoo uusan faah faahin rasmi ah ka bixinin waxyaabaha uu salka ku hayo heshiiskaasi dhex maray dowladda KMG ee Somaliya iyo Kenya
Warbixinta Waxa Soo Diray Wariye Maslaax Cabdi
Waxa Idiin Tafatiray Yusuf Cali
Somalifans Online
Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@hotmail.com
Filed under: Wararka