
Warar lagu kalsoon yahay oo ilo wareedyo muhiim ah aan ka helnay ayaa xaqiijinaya in Horjoogayaasha Ururka Al Shababka ee ku kala sugan magaalada Moqdisho iyo Balcad ayaa sheegay in la dhameeyay dayaarinta qorshe dagaal oo xoogaga Al Shabaab looga qabsanayo degmada Balcad, waxaana aad looga dareemay saan saan colaad degaanada u dhaxeeya Moqdisho iyo Balcad
Wararka hordhaca ah ayaa waxay sheegayaan in ku dhowaad 16 gadiidka dagaalka ah ay ka dhaqaaqayaan agagaarka Hotelka Ramadaan, halka Ciidamo kale oo ku hubeysan 15 Gadiidka dagaalka la sheegay in iyagana lagu uuriyay Geed Timirka ku dhow agagaarka Galgalato ee Woqooyiga Moqdisho, waxaana la filayaa iney laba wado ka kala galaan, magaalada Balcad, waxaana iyagana laga soo sheegay dhaqdhaqaaq iyo abaabul xoogan magaalada Jowhar iyo Tuulada Qalimow oo halkaasi lagu diyaariyay ilaa laba raac oo Ciidamada Dowlada ah.
Saraakiisha Shababka ayaa xaqiijiyay in diyaarintani ay Dowlada Shariif Axmed ku bixisay dhaqaale xoogan, oo la sheegay dagaalkaasi in ay ugu talo galeen qabanqaabo xoogan a ay muddo ugu jireen sidii maleeshiyaadka Al Shabaab awood looga qabsado degmadaasi
Maxaakimta garabkooda la shaqeeya dawladda KMG ah waxay maamulaan gobolka Shabellaha Dhexe marka laga reebo degmada Balcad oo u dhexeysa Moqdisho iyo Jowhar taasi oo mushkilad ku ah isku socodka madaxda xukuumada iyo Maxaakimta ee gobolka Sh/Dhexe
Hore ayaa dagaalo ugu dhexmareen degmada Balcad xoogaga Al-Shabaab ee hadda maamula iyo Maleeshiyaadka Maxaakimta inkastoo dagaaladaasi la xaliyay waxyaabihii ay ka dhasheen isla markaana laga gudbay
Somalifans Online
Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@hotmail.com
Filed under: Wararka