URURKA SUXUUFIYINTA QARANKA SOMALIYEED OO FURAY WAKAALADA CUSUB OO DHANKA WARARKA AH

w

Waxaa maanta magaalada Jabuuti laga furay oo xariga looga jaray Wakaalad warar oo madax banaan oo ay yeelato Somaliya taasoo ah Wakaalad madaxbanaan oo ay maamulayaan Ururo ay leeyihiin Saxafiyiinta Somaliyeed

Munaasabadda furitaanka oo lagu qabtay Magaalada Jabuuti ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socota dowladaha DFKMG, Jabuuti iyo waliba Saxaafiyiin kala duwan oo ka kala socota gudaha iyo dibadda Somaliya iyo Ururo Caalami ah oo u dhaq dhaqaaqa Xaquuqda Saxaafadda

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxafiyiinta Somaliyeed (NOSOJ) Md. Cumar Faaruuq Cismaan oo ka hadlay Munaasabadda bilowgeedii ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay sababta ay u furayaan wakaaladda wararka Somaliyeed ee madaxa Banaan oo logu magac daray SAMINA, waxaana uu sheegay in sababta loo aas aasay Wakaaladani ay tahay kadib markii Saxafiyiinta Somaliyeed iyo saxaafadaba loo geytay tacdiyo ka dhan ah howlahooda saxafinimo iyo weliba in la helo Jawi taasi looga bixi karo oo degan

w1

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Jabuuti Md. Cali Cabdi Faarax oo xariga ka jaray Munaasibada lagu furayay wakaalada wararka Somaliyeed ee madaxa banaan oo xaruntooda ay noqoneeyso magaalada Jabuuti ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiimad gaar ah ay leedahay Arinta sidan oo kale ah

Waxaa sidoo kale munaasibada lagu furayay wakaalada wararka Somaliya ee madaxa banaan ee SAMINA ayaa waxaa ka soo qeyb galay agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta dowlada DFKMG CabdiRisaaq Yusuf Bahlaawi, oo warbixin ka jeediyay munaasibadasi ayaa sheegay in dowalada KMG ay aqoonsantahay warbaahinta madax banaan ayna dooneeyso in ay isku hagto

Cabdirisaaq Bahlaawi ayaa sidoo kale sheegay in dowalada ay dooneeyso in ay iskaashi la yeelato warbaahinta oo dowladiisu ay u aragto sida uu sheegay tiir Dhexaad marka la taagan yahay xaalada dalka Somaliya

Roberto Manga oo ah isku duwan howlaha xaga fulinta hay’ada Doha Center oo iyadu kaalmeeysa saxafiyiinta oo ka soo qeyb galay munaasibada ayaa waxaa uu sheegay in muhiimad weyn ay tahay in la taageero Saxafiyiinta Somaliya oo uu tilmaamay in ay ku shaqeynayaan Xaalada adag oo ay tahay in lagu taageero in ay ka soo waramaan dalka Soomaaliya oo mudo ku dhaw 20-sano ay ka taagan tahay xaalada fowdo iyo ammaan la’aan.

w3

Wakaalada wararka Somaliyeed ee SOMINA ayaa waxaa ay ku soo biireeysaa hay’ada Warbaahineed oo ka jira wadanka Somaliya, in kastoo howladeenada wakaaladani ay sheegayaan in wakaalada in looga baahan yahay in ay la timaado warar ka fir fircoon xaaladaha hada jira iyadoo heysta dhaq dhaqaaq ammaan oo ka baxsan dalka Somaliya

 

Somalifans Online

 

Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@hotmail.com

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers