URURKA ARDEYDA JAMHUURIYADA SOMALILAND EE YEMEN OO HAMBALYO IYO TAAGEERO U DIRAAYA URURKA ARDEYDA JSL EE MALAYSIA

000001

Waxa aan marka hore salaamayaa shacbiweynaha ku dhaqan jamhuuriydda somaliland gaar ahaana ardeyda wax ka barata dalka dibadiisa & gudisiisaba waxaana idin leeyahay asalaama caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuh

Intaa ka dib sida aad la wada socotaan waxaa dhawaan ka dhacdey wadanka Malaysia taariikhdu markay ahayd 25/04/2009 shir ay isugu yimaadeen magalada Kuala-lumpur ee caasimada malaysia laguna doortay guddi cusub oo uu ururku yeeshay

Hadaba Aniga oo ku hadlaaya magacayga, ka Guddida Fulinta iyo ka golaha dhexe iyo kan Golaha Guud ee Ururkam Ardayda JSL Dalka Yemen. Waxaan halkan hambalyo aan la soo koobi karin hawada u soo marinayaa Ururka Ardayda JSL ee Dalka Malaysia ee ku guulaystay inay hogaanka u qabtaan Ururka ardeyda Malaysia

Waxaa shay aad iyo aad loogu farxo ah guddida cusub ee ay yeesheen ururka ardeyda Malaysia waxa aanuna mar labaad si hufan oo huwan qadarin iyo maamuusba hambalyo ugu diraynaa hoggaanka cusub ee uu ururkaasi yeeshay

Weliba waxaanu aad u soo dhaweynayaa isla markaana dhiirri-galinayaa tallaabo kasta oo horumar u leh aayaha iyo mustaqbalka dhalinyarada dalka.

Guntii iyo gabagabadii waxaanu usoo jeedinayaa guddida cusub ee xilka qabatey inay noqdaan kuwo gaadha hadafkooda iyo sidii aad wax ugu qaban lahaydeen dalkii&dadkiiba illaahayna haydinku garab galo

Xasan x.aadan axmed

Gudoomiyaha G/dhexe ee ururka ardeyda Jamhuuriyada Somaliland ee Yemen

xasanxyz@hotmail.com

Faafin Somalifans.net

 

Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@hotmail.com