AFHAYEENKA AHLU SUNA WALJAMEECA EE YURUB MAXAMED XUSEEN OWLIYO OO UGU BAAQAY BAARLAMAANKA SOMALIYA INEY WADDANIYAD MUUJIYAN MARKA AY KA DOODAYAAN MOOSHIN KU SAABSAN XADUUDA BADDA EE SOMALIYA

awliyo

Ka hor inta uusan baarlamanka Soomaliya ka doodin arrinta heshiiska xuduudaha Soomaliya iyo Kenya ayaa waxaa baarlamanka Soomaaliya loo soo jeedinayaa aragtiyo kala duwan.

Afahyeenka Ahlu Suna wal Jameeca ee Yurub Maxamed Xuseen Owliyo oo hada ku sugan waddanka Britain oo xalay la hadlayay Radio DANAN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in baarlamanka Soomaliya ay la gudboodn tahay iney ka hor imaadaan arrintan, wuxuuna Maxamed Xuseen Owliyo ka codsaday baarlamanka Soomaliya iney muujiyaan waddaniyad oo ay cod aqlabiyad leh ku diidaan arrinta heshiiskan, oo sida uu sheegay luminaya dhul Soomaliyeed.

Mudane Owliyo ayaa sidoo kale sheegay in baarlamanka Soomaaliya looga baahan yahay iney u midoobaan, arrinta heshiiskan sidii ay kal hore ugu midoobeen ansixinta ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa horay u sheegay in hadii la ansixiyo heshiiskani ay Kenya yeelan doonto ku dhawaad 38.000KM, oo laba jibaaran, oo dhulka Soomaliya ah, kaa soo ku eg jasiiradaha Lamashaaqa ee dhulka Soomaliya.

Kenya iyo Soomaliya oo ah laba dal oo daris ah ayna gumeysteen waddamada Britain iyo Italy, ayaa leh xuduud muuqata oo ay sameeyeen gumeyste yaashasi sanadii 1924-tii.

Aqoon yahanada Soomalida ayaa heshiiskani ugu magac daray dantii Kenya iyo doqonimadii Soomaliya

 

Source Danan Radio

Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@hotmail.com