AQOONSIGA SOMALILAND WAXUU KU XIDHAN YAHAY TAAGEERADA DOWLADA SHARIIF AXMED +Warbixin Xasaasi Ah

kawWaxa beryahaaba si qarsoodi ah u socday wada hadalo dhexmarayay qaar ka mid ah madaxda sare ee Somaliland iyo dawladda Shariifka ee Somaliya oo ay si buuxda u daadihinaysay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka (US State Department). Shirarkan oo lagu kala qabtay meelo kala duwan sida Djibouti, iyo Washington DC ayaa waxa ka kala qayb galay kooxo kala duwan oo ka kala socday labada dhinac

Hadaba wada hadaladaas oo ilaa hadda meel fiican maraya ayaa haddana waxa jira ama ka muuqata woxogaa aamindarro ah oo ku kala dhex jirta labada kooxood

Tusaale ahaan Somaliland waxa uu shuruud uga dhigay in uu maamulka Shariif Axmed ku dhawaaqo aqoonsiga Somaliland kahor inta aan wax kale laga wadahadal,

Halka maamulka dawladda U madaxweynaha ka yahay Shariif Axmed ay sal uga dhigtay in ay Somaliland marka hore gacan weyn ka geysato lugo isu taaga dawladda ku meel gaarka ah, kadibna marka ay dhamaan dalka (koonfurta Somaliya) gacanta ku wada dhigto ay aqoonsandoonto gooni-isu taaga Somaliland

Ku xigeenka wasiirka koowaad ee dawladda ku meel gaadhka ah, isla markaana ah wasiirka maaliyadda, Md. Shariif Xasan sheekh Aaden oo hogaaminayay kooxda matalaysa dawladda ku meel gaadhka ah ayaa sheegay in Somaliland ay ka awood badan tahay inta ay moodayso, isla markaana ay ku haboonaan lahayd in ay ka ciyaarto arrimaha geeska Afrika kaalin hogaamiyenimo

shariif

Waxa uu sheegay in uu isagu aaminsan yahay in Somaliland ay xaq u leedahay in ay danaheeda ka tashato, laakiin aanay ilaa hadda marin siddii ay taas ku heli lahayd ”Illaa hadda Somaliland waxa la moodaa in ay cid marti uga tahay arrimaha mandaqadda” ayuu yidhi wasiirka Maaliyada Dowlada KMG

Dhinaca Somaliland, Gudoomiyaha Xisbiga Udub ee USA, Mudane Yuusuf Budle oo ka mid ahaa kooxda matalaysa Somaliland ayaa sheegay in aanay marnaba suurto gal ahayn in ay siddii lixdameeyaddii Somaliland ku saxeexdo heshiis indho la’aan ah

Waanu isku baahanahay, laakiin iyagaa naga baahi badan. Somaliland sideeda ayay ahaanaysaa mana baaba’ayso haddii aanaan aqoonsi ka helin dawladda Somaliya, laakiin toodu (dawladda ku meel gaadhka ah ee Shariif axmed) halkii kuwii ka horeeyay mareen ayay maraysaa haddii aanaan anagu aqoonsan/rabin

Yusuf Isaga oo ka jawaabaya arrinta qayb ka ciyaarka arrimaha mandaqaddana waxa uu yidhi ”Awoodayadu waa mid aanu u isticmaalno oo keli ah wixii dalkayaga iyo dadkayaga u dan ah, kumana lumino heshiisyo macnmo daro ah. Haddii ay maanta dawladda Shariif ku dhawaaqdo aqoonsiga Somaliland, dalalka kalena ictiraafaan heshiiskaas, waxa naga balan ah in Moqdisho ay ku degdo muddo bil ka yar”

Shirarkan isdabojooga ah oo si qarsoodi ah u socday beryahaas ayaa lamoodaa in ay marayaan meel ay iskaga soo dhawaadeen intii hore, laakiin ay weli u dhiman tahay in laga gudbo xaaladda cakiran ee is aaminaadda ah

Waxa lagu wadaa in qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa ee dawladda ku meel gaadhka ahi booqdaan magaalada Hargeysa muddo aan fogayn, in kasta oo ay jirto cabsi ah in ay ka faa’iidaystaan mucaaridka Somaliland oo mar kasta ku sheega xidhiidhyada noocan ah in ay xukuumadda Somaliland gadayso madaxbanaanida Somaliland

Yusuf Budle oo arrintan ka hadlayaana waxa uu yidhi ”Somaliland mar kasta danteeda u luminmayso Calibaa odhan iyo Caashaa odhan. Waxa aanu rumaysanahay in aanu wax wada qabsan karno dawladdan Shariif Axmed anaga oo isku danaysanayna, waa haddii ay gartaane. Aqoonsiga Somaliland waxaanu ku raadinaynaa si kasta oo suurto gal ah, dublomaasiyad, xoog, maal/lacag iyo la shaqayn dalalka danaha ka leh Geeska Afrikaba

 

Ayaan Ismaaciil

Somali Media

St. Paul, MN USA

Faafin Somalifans.Net

 

Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@hotmail.com