
Odayaasha hawiye oo caawa kulan saddex sacadood qatay uga socday Guriga Axmed diiriye cali ayaa ugu dambeyntii isku raacay in la sameyo ciidan la dagaalama Al shabaab kuwasi oo loo bixin doono Ciidanka nabad soo celinta gobolka banadir
Odayaasha hawiye aya sii weyn u dhaliilay Alshabaab iyaga oo meesha dhexdeeda ka sheegay inay aad uga xun yahiin falalka dilka ah ee kooxdasi u geysaneyso aqoonyahanka hawiye sidaa aay hadalka u dhigeen ,
Axmed diiriye cali ayaa u sheegay odayaasha in kuwa isaga soo weeraray aay ahayeen Ugaadeen , Mareexaan Iyo Waliba Raxanweyn aan u dhalan buu yiri Gobolka banadir taasina waxay cadeyn sidaa beelaha hawiye aay isku amiini wayeen logana dhex fa’iideystay Ayuu Yiri Axmed Diiriye cali oo odayaasha la hadlaya
Habada dhaqanka hawiye ayaa soo saray labo arrimood oo ah in la abuubulo dhalinyaro la dagaalanta ururka Alshabaab kuwasi oo ah kuwa u shaqeya shacabkooda magaalada moqdisho iyo dhamaan degmooyinka gobolka banadirna ka siifeya Alshabaab sidaa aay hadalka u dhigeen
Sidoo kale ciidanka ayaa waxa mushaharkooda bixin doona dowlada shariif axmed iyada oo ka taageeri doonta dhalinta arrimaha ciidanka iyo waliba taageerada dhanka cafimaadka
Dhalinta ayaa la filaya inay wax badan ka bedesho xaladaha magaalada moqdisho in kasta oo aan la aqoon jawaabta ka soo bixi doonta kooxda Alshabaab oo iyadu awood badan ku leh degaanada Konfuurta Somaliya sidoo kalena ah urur Qeybo badan oo magaalda moqdisho ah ka taliya
Maslaax Cabdi Warsame
Somalifans Online
Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@hotmail.com
Filed under: Wararka