Allaah ha u naxariiste yasiin saciid xuseen ayaa shalay lagu dilay tuulo lagu magcaabo dhudhub halkaasi oo kooxo hubeysani ku dileen , hadaba shacabka ku dhaqan magaalada bosaso oo Warbaahinta Somalifans.Net wax ka weydiisay qeybo ka mid ah sidaa aay arrinkaasi u dareemen ayaa in badan oo ka mid ah shacabku ku tilmameen arrin guul darro ah
Dadka ayaa dhamaan sheegay inu yasiin aha oday nabadeed kuwa dilana aay yahiin cadowga bulshada reer puntland, ”Ruuntii waxa u aha nabadoon waxadna garan karta madaxda puntland ee hada joogta intaa badan ma dhafan magaaloyiinka iyo xafiisyada aay ka taliyan balse isagu waxa u hawl nabadeed u aday meel aad uga foog xuruntiisa magaalada qardho taasina waxay muujin sidaa uu u aha nabadoon xal doon ah” Sidaa waxa yiri Axmed Xaaji Xasan oo ka mid ah suuq leyda magaalada bosaso
Sidoo kale Faduumo Oo ah gabadh ka ganacsata suuqa ayaa u sheegtay wariyaha warbaahinta Somalifans.Net in reer puntland u ka tagay oday nabadeed sidaa lagu ilawana aay aad u adag tahay , gabadha ayaa sheegtay in yasiin saciid u aha nabadoon reer puntland ah ummada hawl weyn u hayey waxay allaah uga bariday inu naxariistiisa siiyo Aamiin
Habada dadweynaha magaalada bosaso ayaa in badan ka siina sidaa aay uga murugeysan yahiin geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Gudoomiyahii gobolka karkaar Yasiin saciid xuseen allaah ha u naxariiste oo shalay kooxo hubeysani ku dileen meel ku dhow degmada xafuun oo lagu magcaabo Dhudhub
Dhanka kale dhamaan iskuulda iyo goobaha ganacsiga ee magaalada qardho ayaa maanta xira iyada oo dadweynahu aad uga murugsana geeridii naxdinta laheyd ee ku timid gudoomiyaha gobolka karkaar Allaah ha u naxariiste yasiin saciid, waxana halkaasi ka jiray jawi murugo iyo dadweynaha oo aad uga tiiranyeysna geerida kediska ah
Yusuf Cali
Somalifans Online
Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@hotmail.com
Filed under: Wararka