BEELAHA SHARAFTA LEH EE DIGIL IYO MIRIFLE OO KA JAWAABAY HADALO YAQYAQSI AH OO KA SOO BAXAY HAWIYE

Golaha Aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle oo fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa markii ugu horaysay waxay si kulul uga hadleen hadal maamlmihii ugu dambeeyay ka soo yeeray sida ay sheegeen qaar ka mid ah Mooryaanta Hawiye iyo xubnaha golaha wasiirada DFKMG ah hadalkaasi oo ay sheegen in uu ahaa mid iyaga loogu eedeyay dhalinyaro ka soo jeeda gobolada Bay Bakool iyo Jubooyinka oo ku hubeysan baastoolado in ay ka dambeeyaan dilalka iyo dhibaatooyinka ka dhacay caasimada hawiye ee moqdisho

Afhayeenka golaha Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba Fows Cabdi Nuur ayaa si kulul uga soo horjeestay arimahaas waxuuna sheegay in arimahaasi ay yihiin kuwo laga yaqyaqsado

Waxay sidoo kale dhaliileen golaha Aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta koonfur galbeed Soomaaliya ciidamada la sheegay in dowlada Somaliya loo tababari doono kuwasi oo laga keenayo gobolada kala duwan ee dalka

Ugu dambeyntii hadaladan ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo maamihii ugu dambeeyay si weyn loo hadal hayay hadalo ka soo yeeray Odayaasha mooryaanta ah ee Hawiye nareed iyo qeyb ka tirsan golaha wasiirada Ra’iisal wasaare Cumaraani Cabdirashiid Cali kuwasi oo asal ahan ka soo jeeda beelaha hawiye sheegana in dhalinyaro ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle aay magaalada moqdisho ka wodan hawlo lagu beegsanayo dadka ka soo jeeda hawiye arrinkaasi oo jawaabtiisa maanta dhaqanka sharafta leh ee digil iyo mirifle jawaab fiican ka siiyey hawiye xume

 

Yusuf Cali

Somalifans Online

 

 

Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@hotmail.com

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers