FARANSIISKA OO QABTAY 11 BURCAD BADEED AH IYO WARAR KALE OO BURCAD BADEEDA KU SABSAN

Mas’uuliyiinta wasaarada difaaca ee dalka faransiiska ayaa sheegay in dalka faransiiska u qabtay 11 burcad badeed ah maanta oo arbaco ah

Markab kuwa dagaalka oo uu leeyahay waddanka Faransiiska ayaa qabtay 11 burcad badeed Somali ah, oo marayay meel ka baxsan xeebaha waddanka Kenya, iyadoo ay soo baxayaan baaqyada beesha caalamka ee in wax laga qabto dhibaatada burcad badeedda

Burcadda ayaa waxa la qabtay saacado yar kadib markii uu markab Mareykanku leeyahay ka baxsaday weerar burcadda Somalidu ay ku qaadeen

Dhinaca kalena maxkamada derejada kowaad ee magaalada Bosaso ayaa maanta min saddex sano oo xarig ah ku xukuntay 27 burcad badeed oo ay horay u soo qabteen ciidamada Farasniiska kadibna ku wareejiyeen ciidamada ilaalada baddaha ee Maamulka Puntland, xukunka ayaa la sheegay inay burcad badeedu racfaan ka qateen iyaga oo sheegay inay aysan aheyn burcad balse yahiin kaluumeysato sidaa aay hadalka u dhigeen

Sidoo kale Booliska wadanka Faransiiska ayaa su’aalo weydiinaya saddex burcad badeed Somali ah kuwaasi oo ay qabteen ciidamada commandos-ka ee Faransiiska markii ay weerar ku qaadeen dooni kuwa dalxiiska ah oo burcad badeedu afduubteen

Dowladda Faransiiska ayaa saddex burcad badeedda ah keentay waddankeeda, iyadoo sheegtay inay tallaabo adag ka qaadeyso burcadda isla markaana maxkamad la soo taagi doono saddexda ay iminka hayaan

 

Yusuf Cali

Somalifans Online

 

Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@hotmail.com

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers