MANCHESTER UNITED OO LA SOO BAXDAY ILKO ABEESO IYO ARSENAL OO DHULKA KU RIDAY VILLAREAL Warbixin+Sawiro


ronaldo1

Kooxda Manchester United ayaa soo afjartay xarash ka yaalay kooxaha ingiriiska garoonka Estádio do Dragão Ee kooxda Fc Porto Kadib markii hal iyo waxba aay kaga badisay ciyaartii caawa dhex martay labada koox kana dhacday garoonka quruxda badan ee Dragão , Ciyaar yahanka reer portugal ee Cristiano Ronlado ayaa kooxda United u difaacay horyaalkeeda waxana u dhaliyey gool aad u qurux badan oo u meel dheer ka togtay shabaqa gool-haye Helton

gool

Ciyaartii hore oo ka dhacday garoonka Old Trafford ayaa ku dhamatay labo iyo labo oo ah barbar dhac balse caawa ayaa United soo celisay rajo aan in badan la qabin oo ah in aay ku badiso garoonka kooxda Fc Porto

alex

Tabaraha Manchester united Sir Alex Ferguson ayaa sheegay gelinkii hore ee maanta in kooxda united aay ciyaarta ku guuleysan doonto isaga oo sheegay inu ku rajo weyn yahay inu mar labaad ku guuleysto horyaalka Yurub ee sanadkan,

manutd

Haddaba hadan idiin xasuusiyo ciyaar yahanada caawa garoonka joogtay waxa ka mid aha Aan Ku bilaabo Kooxda martida lo aha ee Fc Porto

Manchester United celebrate

Helton, Sapunaru (daqiiqadii 80 waxa lagu bedelay Costa) Rolando, Bruno Alves, Cissokho, Lucho Gonzalez (Mariano Gonzalez 31), Fernando, Raul Meireles, Lopez, Hulk, Rodriguez (daqiiqadii 64 waxa lagu bedelayFarias)
Kursiga keydka waxa fadhiyey ciyaar yahanada kala ah ( Nuno, Stepanov, Guarin, Madrid )

Raul Meireles, Porto; Ryan Giggs, Manchester United

Manchester United Van der Sar, O’Shea, Ferdinand, Vidic, Evra, Giggs, Carrick, Anderson (daqiiqadii 78 waxa lagu bedelay Scholes), Rooney, Berbatov (daqiiqadii 68 waxa lagu bedelay Nani ), Ronaldo.
Kursiga Keydka waxa fadhiyey ciyaar yahanada kala ah Foster, Neville, Evans, Tevez, Macheda

Nemanja Vidic, Manchester United; Cristian Rodriguez, Porto

Waxa digniin lo tagay Vidic, Evra.

Goolka waxa dhaliyey Ronaldo 6.

Dadka garoonka

 

 

Estádio do Dragão ku sugna 50,000

Dhex Dhexadiyaha Ciyaarta Fc Porto Iyo Manchester United Waa Massimo Busacca (Wuxu U Dhashay Wadanka Switzerland)

Arsenal celebrate

Dhanka Kale kooxda Gunners-ka Ee Arsenal ayaa dhulka la dhacday kooxda Reer Spanish ee Villarreal oo safar dheer ku soo aaday dhanka iyo garoonka fly Emarates, Balse arsenal ayaa dhulka ku jiiday oo saddex iyo waxba uga dul boday, ciyaar yahanka kaptaanka u ah kooxda Arsenal ee Cesc fabregas iyo Theo walcott ayaa aha xiddigaha caawa ee garoonka Fly ee magaalada London

Robin van Persie scores

Arsenal ayaa kulanka dambe la ciyaari doonta kooxda aay isku wadanka yahiin ee Manchester united halka kooxda Chelsea ee reer England iyaduna aay la ciyaari doonto kooxda Fc Barcelona, Ciyaaraha sanaadka ayaa modda kuwa aad u halis ah loo jooga labada koox ee u sooo bixi doona final-ka ciyaaraha Uefa champions oo ka dhaci doona garoonka Olompico ee magaalada Rooma

 

Editor Yusuf Cali

Yusufcali@hotmail.co.uk  

Somalifans Sports News

 

Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@hotmail.com

 

Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@hotmail.com

 

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers