XISBIGA UDHIS OO KU EEDEEYEY RAYAALE INUU KU GACAN SAYDHAY DHEXDHEXAADIN AAY KU BAAQEN URURKA UDHIS SI LOO XALIYO KHILAAFKA TAAGAN


xibsiga-udhisUrurka wadaniga ah ee UDHIS ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Rayaale is hortaagtay isla markaana diiday dhexdhexaadin uu ururkoodu doonayey inuu isu soo horfadhiiyo wada-hadal dhinacyada siyaasada ee khilaafka ba’ani u dhexeeyo, waxaanu dhinaca kale sheegay in ay xukuumaddu ay abaabulayso shir ay iyadu maamulayso soona xulatay xubnaha hogaaminaya.

Muj: Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhago weyne) oo ka mid ah hoggaamiyayaasha ururka Dimuqraadiyada iyo horumarinta ee isbedel doonka Somaliland (UDHIS) oo warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay shalay ka soo saaray magaalada Hargeysa ayaa si adag u cambaareeyey falkii ay ciidanka bileysku 6-dii April Rasaasta ugu fureen hogaamiyaha iyo Taageerayaasha Kulmiye, iyo sidoo kale go’aankii ay komishanka doorashooyinku ku cayimeen wakhtiga doorashada, isla markaana ay ku saleeyeen go’aankii muddo kordhinta ee Guurtida, talaabooyinkaas oo ay sheegeen inay dabka ku sii huriyeen khilaafkii siyaasadeed ee taagnaa.

War-saxaafadeedkan oo dhamaystirani waxa uu u qornaa sidan: “Ururka waddaniga ah ee UDHIS oo ah mid ka madaxbanaan saddexda xisbi iyo xukuumadaba ayaa isagoo walaac iyo baqdin weyn ka qaba khatarta iyo burburka ka iman kara is maandhaafka siyaasiga ah ee ka dhashay dib u dhigista soo noqnoqtay ee wakhtiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka iyo kordhinta ka daba-timaadda muddada Xafiisyadooda ay sii joogayaan. Ayaa isaga oo gudanayaaya waajib waddani ah oo gogol u fidiyay Xukuuumadda, labada Gole ee sharci-dejinta, Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka doorashooyinka Qaranka.

Gogol-fidintaasi, iyada oo UDHIS ay qanaacaad buuxa ku qabto waddada ay Somaliland ku caana maashay oo ah wadahadal iyo wada-tashi, in lagaga gudbo wixii caqabado inaga horyimaadda iyo iyada oo UDHIS aaminsan inay tahay dhex-dhexaad aan dhinacna u janjeedhin, waxa kaliya ee ay danaynaysaana tahay Maslaxadda Ummadda, waxa kale oo UDHIS ay marti-qaaday Odayaal iyo Aqoonyahanno reer Somaliland ah, kana mid yihiin Abwaanada Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) iyo Pr-da ay ka mid yihiin:- Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, Dr. Cabdisalaan Yaasiin iyo Pr. Saleebaan Axmed Guuleed, labadii Madaxweyne ku-xigeen ee hore Muj: Xasan Ciise Jaamac iyo Muj: Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Muj: Xasan Guure Jaamac. Waxa noo qorshaysnaa Culimo-awdiin, Sharciyaqaano iyo Xubno ka socda Akaadamiyadda nabadda.

Waraaqihii Marti-qaadka ee gogosha markii la gaadhsiiyay saddexda Xisbi iyo Xukuumadda, waxa ay dhammaantood muujiyeen Xukuumadda mooyaane niyad-wanaag iyo ogolaansho. Waxa ay UDHIS kaga codsatay dhammaantood inay joojiyaan wax kasta oo dhibaato keeni kara, sida Muddaharaadka iyo Ciidanka oo loo adeegsado si aan sharciga waafaqsanayn. Waxaanu u mahad-naqaynaa Xisbiyada KULMIYE iyo UCID oo si hagar la’aan ah nooga aqbalay codsigaa.

Haddaba, maalintii 6-dii April, maxaa dhacay?

Waxa saddex Xubnood oo u UDHIS ahi, waxay goob-joog ka ahaayeen oo ay arkeen Ciidamo Boqolaal ah oo hor dhooban Xaruntii KULMIYE ee Hargeysa. Waxa fajiciso noqotay in ay Ciidamadu Rasaas huwiyaan dadweynihii iyo Madaxdii ka soo dareertay Xafladdii lagu Xusayay maalintii SNM la aasaasay si nabad ah. Rasaastaasi waxay sigtay, Guddoomiyaha KULMIYE Axmed-Siilaanyo, dadna waabay ku dhaawacmeen. Isla maalintaa waxa ay Xukuumaddu xidh-xidhay Madaxdii KULMIYE ee Berbera. Waxa iyana qas ka dhacay Xarunta KULMIYE ee Burco.

Waxa nasiib-darro ah, in isla maalintaas ay Komishanka Doorashooyinka Qaranku, Gaas ku kordhiyaan holicii khilaafaadka ee lagu hawlanaa in la bakhtiiyo, markii ay raaceen go’aankii Golaha Guurtida iyo Digreetadii Madaxweynaha ee cayimaysay 27-ka September 2009.

Waxa ayaan-darro ah, in UDHIS oo iyadu is xilqaantay, Gogol-dhigaasna lahayd, dedaal badan iyo wakhtina u huray sidii uu kulankaasi u dhici lahaa, inay Xukuumaddu si cad oo badheedh ah u diiday arrinkaasi inuu dhammaado, iyada oo abaabushay Shir ay iyadu leedahay oo ay wadato, soona xulatay oo iyadu ay kaantaroolayso, UDHIS-na waxay xaaraan u aragtaa, inay waxaas oo kale ku dhex-milanto.

Haddaba UDHIS, waxay go’aansatay inaanay ka qayb-qaadan Shir cid dawladda dhinaceeda ahi hogaaminayso. Waxaanu mar labaad u mahadnaqaynaa Xisbiyada KULMIYE iyo UCID oo si sharaf leh nooga aqbalay Marti-qaadkayagii”.

 

Wargeyska Haatuf

 

Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@hotmail.com

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers