QEYBTII UGU DAMBEYSAY EE QISADII JACAYLKA

pic_0658

Maxaan in muddo ah ku jiray raaxo aad u weyn, laakiin maxa dhacay, waa subax ay aad igu weyn, waxaa i hareeyay murugo markii aan mataantii qalbiga ka arkay meel aan iga fogeyn, waan jiriricooday, xaaddeydiina istaagtay, waxaan la soo booday ”Haye Gacaliso maxaa ku keenay halkan” waxay igu Tiri ”Oh May God! waa maxay camalka aad heyso, waxaana ku iri

 

Ayaantan ku arkaayay

Amar weeye qornaa

Inaan ku caashaqee

Cadigeyga ku taal

Ku caleemo saartee

Ceesha ila wadaagtaa

Camalkeedii hayee

Ceeb miyaan lahaa?

Jawaab > Ceeb ma lahan warkaagee

Camalka ad falayso

Ima cajabin Aboowe

S. Ceynka aad u hadashay

Waa mid caloosha i huriyee

Yaad kaloo calmatee

Caynaanka kuu haya ?

J. Ceesha inaan kula wadaagee

Caruur aan kuu dhalaa

Cirkaa oogadeen suran

Dhulka aan ku taaganahay

Markay is caashaqaan

Ceesh wadaagaan

Ayaan cindigeyga kugu qaban

S. Laqwi weeye warkaan iyo

Laqdabo la soo maleegay

yaa ku qaldoo

qawlkan kuu dhiibay?

J. Aamus inanyahow

Afkaa edebtiisa lahow

haddii kale waxaad la kulmi

Ciqaab aad u daran iyo

Cawaaqib xumo aan

Ka soo kabasho laheyn

Markii intaa aan is dhaafsanay ayay dhaqaaqday anna waxaa i hoos dhoobnaa kabo aan caseynayay, waan murugooday waxaana i dul yimid saaxiibkay Suufi, isagoo iga qancinaya xaladdan cusub ee i soo wajahday waayo wuu maqlayay hadallada aan is dhaafsanay, waxuuna igu yiri ”Saaxiib iska sabar waa adduun waayo waxaad tahay nin shaqeysanaya, shaqaduna waxa ay ka fiican tahay shaxaadka, marka sheekadaana waxaa ku udambeeyay wiil sahro doondoonayay kaasoo adiga kor kaa tusay, marka haddii jeceylkaaga dhab yahay waad heleysaa Insha Allaah, waxaan muujiyay Aamusnaan yar, kaddibna waxan iga soo burqaday Erayadan

Ninkii Dabiray Naftiisa

Ka daboolay Xumaan

Kula dardaarmay

Dawiri ceesh dambi miyuu galoo

Lagu dul-dali karaa?

Dowga aan ka hadlaayo

Waa dareen ximbaarsan

Jaceyl lagu maldahay wanaag

Lagu doonayo kalsooni

Ee dadyahow qumani

Qiimeeya jacaylkee

Maxaan qaban karaa

Oon ku qancin karaa?

mise waan ka durqaa

Da’yartaan calmadee

Caloosheyda ka taal

Dow kale iima furnee

I dabiiba ama i daweeya dadyahow

Daahir Markii uu ii dhameeyay sheekadii ayaa ilmo indhihiisa soo dhaafeen, Aniga la kaftamaya ayaan waxaan ku iri ”Ma laga yaabaa inaad mar kale ku rogaal celiso jaceylkaagii, Daahir waxa uu iigu jawaabay ”Weli waxaa igu yaal dhaawicii oo aan weli bogsan marka adiga ha iga damqin”

Dhamaad

Waxa qoray Buuga CAASHAQII CASEEYAHA Professor Cabdishakuur Cilmi Maxamed

Waa garaaciddii Hagar la’aaneed ee Yusuf Cali

Fadlan akhristow isku day inaad ka soo jawaabto hal xiralahan soo socda

DHIBIC MALAB AH WAXAAD KU UGAARSAN KARTAA IN KA BADAN INTA AAD KU UGAARSAN LAHEYD FUUSTO DACAR AH?

Fadlan haddaad haleesho jawaabta waxaad kasban doontaa haddiyad qaali ah oo ay idiinku tala gashay Somalifans.Net qeybta talo bixinta Arrimaha jaceylka, noogu soo hagaajiya Jawaabta Hal Xiralaha, E-Mail Yusufcali@Hotmail.co.uk  

Afeef – Akhristow waxad ka masuul ka tahay sixidda buuggan, waayo waxaanu nahay Binu Aadam, waana hilmaami kara wax badan waayo isaga ayaaba ka sameysan hilmaan MAHADSANIID

Faafin Somalifans.Net

 

Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@hotmail.com