
Waxa caawa wada ciyaari doona kooxaha ugu cad cad inay ku guuleystaan horyaalka sanaadka ee Barcelona , Bayern Munich, Chelsea Iyo Liverpool

Kooxaha ayaa hore ugu soo wada ciyaaray asbuuci hore guryaha kooxaha martida ah caawa waxana ugu xiisa badna kulankii dhexmaray Liverpool iyo Chelsea kaasi oo ka dhacay garoonka Anfield ee magaalada Liverpool, kulanka oo kooxda chelsea ee reer london aay ku badisay saddex gool iyo hal gool oo liverpool la timid, balse caawa ayaa mar kale kooxda Liverpool isku dayi doonta bal inay ka adkato Chelsea oo joogta gurigeeda Stamford Bridge arrinka ayaa u muqda mid aad u aadag madama chelsea ku ciyaari doonto garoonka oo aay ka buuxan boqolaal taageerayaasheeda ah

Ciyaar yahanka dhanka dambe uga ciyaara kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa sheegay inay aay aad u adaag tahay inay garoonka stamford bridge kaga badiyaan liverpool ”Chelsea waxay ciyaartay ciyaar aad u wanaagsan marka aay joogtay garoonkeena ee Anfield xaqiiqdii waxan dhahi kara lagama badin karo madama aay joogto gurigeeda balse waan isku dayi oo kubadu waa wareegto” ayuu yiri ciyaar yahan Carragher oo ah wasiirka difaca ee kooxda Liverpool

Dhanka kale kooxda Fc Barcelona ayaa la ciyaari doonto kooxda horyaalka Jarmaalka ee Bayern oo ah koox aad u halis ah in kasta oo laga badiyey kulankii hore laguna dhuftay goolal aad u fara badan in kasta oo aay ledahay bayern munich weli isma aan dhiibin ee waan dagaalami, kooxaha Bayern iyo Liverpool ayaa labada waxa lagu dhuftay goolal aad u fara badan waxana adag sidaa aay uga soo baxan ciyaaraha caawa in kasta oo aay labada koox mid walba sheegi rajo wanagsan
http://news.bbc.co.uk/sport1/hi/football/7997619.stm
Yusuf Cali
Somalifans Online
Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@hotmail.com