TALIYAHII CIIDANKA BOOLISKA GOBOLKA GEDO XASAN DAAHIR YAROW OO ISKU DHIIBAY XARAKADA ALSHABAAB


koox-mujaahidiin-ah

Taliyahii ciidanka hore ee booliska gobolka gedo Xasan Daahir Yarow ”Xasan Dheere” ayaa shalay galinkii dambe isku dhiibay maamulka islaamiga ah ee xarakada Al shabaab

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Xasan dheere uu iska dhiibay saldhiga ciidanka booliska ee degmada beled-xaawo, in kasta oo ururka Al shabaab arrinkaas uusan xaqiijin

Balse waxa xaqiiq ah inu Xasan dheere joogo degmada beled xaawo , taasi oo aay cadeyeen saxiibadiisa aay iskula jireen ciidanka oo u ka mid yahay taliyahii ciidanka dooxda juba Col warfaa Sheekh Aadan oo sheegay in xasan dheere joogo beled xaawo in kasta oo uusan sheegin inu isku dhiibay ururka alshabaab iyo in kale

Gobolka gedo oo aay intaa badan gacanta ku hayan mujaahidiinta Al shabaab ayaa waxa lagu arki kara maalin kasta shaqsi ama labo oo ka tirsana dowladii hore oo isku dhiibaya xarakada Al shabaab

 

Yaacim

Somalifans Online

Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@hotmail.com

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers