SAXAAFADA OO HESHAY NUQUL KA MID AH HESHIISKII DHEXMARAY DOWLADA SOMALIYA IYO DOWLADA KENYA +Document


heshiis1Saxaafada ayaa waxay heshy Nuqulka ka mid ah Heshiiskii Dhexmaray DKMG ah iyo Kenya kaas oo Xanbaarsan Isfahan ay labada dhinac isku waydaarsadeen inay raalli isaga yihiin tafaasiishii laga sameeyay xuduud badeedka labadda dal ee ka shisheeya 200 oo mile badeed iyo daraasadii laga soo aruuriyay in loo gudbiyo Guddiga Caalamiga ah ee Qaabilsan Xuduudda Badda ee Khanka Qaaradaha

Heshiiska ayaa waxaa uu dhigayaa in Dowladda Somaliya iyo Dowladda Kenya ay hoosta ka wada xariiqeen in Xaduudda dhinaca badda ee labada dal aan horay wax Asta ah loo samayn isla markaana Mas’aladaas aan wali la xalin sidaa daraadeedna loo aqoonsanayo muran xagga badda ah oo ka dhaxeeya labada dal.

Dulucda Isfahanka ayaa waxaa uu ku dul wareegayaa Dawladda Kenya oo muran ka qabta Xuduudda badda kala dhaxaysa Somaliya ee hadda jirta taas oo ay dhigeen dawladihii gumaysan jiray labada dal, waxayna ka samaysay daraasad dheer oo ay ku soo saartay Astayn cusub oo ay ku helayso dhulbadeed hadda hoostaga Somaliya, waxayna DKMG ah ku waafaqday Kenya inaanay hadda jirin Xuduud badeed sax ah oo dhex taalla labada dhinac sidaa daraadeedna ay tahay in guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrintan ay u tix geliyaan meel lagu muransan yahay ayna Xukumaan kadib markay labada dal mid waliba soo gudbiyo daraasad dhamaystiran oo xuduudeeda ku salaysan taas oo xanbaarsan dhinacyada Geography iyo Qaanuunka caalamiga ah ee Badaha inta ka horaysa 13 May 2009

Heshiiskan isfahanka ah ayaan wax faa’iida ah ugu jirin Somaliya maadaama Kenya ay dhinaceeda doonayso Dhulbadeed ka tirsan Somaliya ayna in badan la’ayd Dawlad Somaliyeed oo mar ka aqbasha inay arrinkaas isfahan kala gaarto una aqoonsato Xuduudda hadda jirta mid muran ka taagan yahay si garteeda loogu gudbiyo UNCLOS, waxaana dawladdii hore ee Somaliya ku qasbay inaysan Kenya kala hadlin Xuduuddan xagga badda maadaama aysan aqoonsanayn xuduudda barriga ee Kenya oo ay haysato Gobolka NFD oo ka mid ah dhulka somaliya ka maqan

HADDABA WAAKAN QORAALKA OO ENGLISH AH

 

Somalifans Online

Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@hotmail.com

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers