HAWLAHII DEKEDDA MOQDISHO OO HAKAD LA GELIYEY KADIB MARKII CIIDANKA AMISOM IYO KUWA DOWLADA KMG AY XIREEN DHAMAAN WADOOYINKA GALA DEKEDDA


Waxa saaka ayaa hakad la geliyey howlihii caadiga ee dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ka dib markii uu soo xirtay markab weyn oo la sheegay inuu sahay u sido ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM

Wadooyinka gala dekadda ayaa waxaa lagu arkayaa askarta AMISOM kuwaasoo dadka iyo gaadiidka u diiday inay istacmaalaan wadooyinkaasi

Qaar ka mid ah dadka ka shaqeeya dekadda ayaa sheegay inaysan jirin wax hawl ah oo xilligan ka socota gudaha dekedda weyn ee casuumada somaliya, iyada oo la arki karo ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowlada KMG oo halkaas Baaritano ka woda

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in markabkan uu sido shixnado ah oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM

 

Yaacim

Somalifans Online

 

Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@hotmail.com

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers