QOYSKII MARXUUM MAXAMED XAAJI IBRAAHIM CIGAAL OO DAREEN CADHO LEH KA MUUJIYEY HADAL KA SOO YEEDHAY XOGHAYAHA XISBIGA UDUB DHOWAN


Caa’iladii alle ah u naxariistee madaxweynihii hore ee Somaliland Mohamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa ka muujiyey dareen cadho leh hadaladii ka soo yeedhay Xoghayaha guud ee xisbiga Udub ee ku qornaa jariiradda Jamhuuriya 9/04/009 ee uu ku canaantay, qoraalkaas oo uu ku canaantay xoghayuhu marxuunkaasi alle ha u naxriistee in uu ka danbeeyey dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ee sagaashanadii Haddaba qoraal ay saxaafadda soo gaadhsiyeen caa’iladaas oo uu ka mid yahay Cali Maxamed Daa’uud Cigaal ayaa waxa uu u qornaa sidan

“Waxaanu u sheeegaynaa in aanay falaadhi gilgilasho kaga go’ayanin iyo shir jaraa’id uu qabtaa toona wixii aad tirina aanad dafiri Karin cadaymahoodiina laguu hayo Jariiradda jamhuuriyana xaal baanu ka siinay aflagaadadaadii aad ku beeninaysay warkooda Jariiradu waxba may dhimin ee wixii aad tiri ayay qortay hadalo badan oo kaa soo yeedhayna mudadaa yare e aad shaqadda xisbiga udub haysayna, diiwaanka ayay kugu jiraan hadal xumadda oo aad cid walba ku tilmaanto wax aan asal ahayn nasiib daro shirkii laalaysna waxa aad ka lahayd xisbigani waa midhihii ina cigaal, maantana sidaa ayaad u hadashay laakiin layaab ma lihidoo hadalka kaa soo yeedhay waa mid lagu galiyye ama laguu laqimay oo nin, Oo nin reer jabuuti ah ayaad tahay oo waxba kama taqaanid dhaqanka dadka reer Somaliland

Dhinaca xukuumaddana waxaanu leenahay waa in aad canbaaraysaan, hadalkaas aan meel loo da’in ee ka soo yeedhay xoghayaha Xisbiga Udub haddii kale waxay noqonaysaa mid aad raali kaga tihiin.

Haddab arinkan ayaa markii laga arkhriyay jariiradda Jamhuirya hadal hayntiisu ku batay magaaladda Berbera oo dadku aragtiyo kala duwan ka qaateen

 

 

Somalifans Online

 

Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@hotmail.com

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers