
Mudane Maxamed Cabdillaahi Oomaar Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda KMG ah ee Somaliya ayaa iska fogeeyey inuu ku lug leeyahay heshiiskii Dowladda la gashay Kenya ee qeexayay sohdimaha badda labada dal ay wadaagaan.
Mudane Oomaar ayaa sheegay inuu wax raad ah ku laheyn ama wax ka og yahay heshiis Wasiirka Iskaashigga caalamiga Dowladda KMG ah Somaliya Xukuumadda Kenya kula galay in dib loo sameeyo xadka badda ee u dhaxeeya Labada dal
Isagoo hadda ku sugan Wasiirka Magaalada Nairobi Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa u sheegay qaar ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka inaan lala socod siin heshiiska maadama uu Wasaarad ahaan isaga howshaas qaabilsanaa.
“Anigu wax shaqo ah kuma lihi heshiiskan, waxaan u arkaa mid aan dan u ahayn Umadda Soomaaliyed”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya.
Waxaa uu sheegay inuusan aqbali doonin marna in Bad ay leedahay Soomaaliya gorgortan lagala galo Dowladda Kenya.
Labo Maalin ka hor ayaa Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda KMG ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa uu wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya la gaaray heshiis dib loogu eegayo Xadka dhinaca Badda ee ka dhaxeeya Somaliya iyo Kenya
Somalifans Online
Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@hotmail.com