QISO JACAYL ”CAASHAQII CASEEYAHA” Qeybtii Kowaad

pic_0658

”Aboowe waad iga yar tahay, haddana iima qalantid, waayo waxaad tahay caseeye, haddana iima awoodid mana kaafin kartid nolosheyda marka iska illow jaceylka aad la mehenaaweyso, hana qarribin noloshaada ee ha gabin kaalinta shaqo ee aad u hayso shacabka waayo waad u shaqeysaa waadna ka shaqeysataa”

pic_0658

”Abaayo dhegeyso taajir iyo reer tabareed illaah baa wada abuuray umana kala dhowa oo alle xaggiisa waa u siman yahiin ee taa ogow”

Raggii daarahaan aduunyada

Darajadooda lahaa baa

Dariiq cad uga dhaqaaqee

Maalintii Lagu uumay

Xab Iyo biyaha aad aheyd

Arsiqaaga alle kafaala qaaday

Ha qoomin qaddaraka rabbiyo

Qalanjadaan Jeclaadey

Qarash Inaan heloo

Asaagey Wax la qeybsado

Alle wuu qaddari karaaye

Ee ha igu qoomin qaddartan rabbi

Ee alle haduu yiraa

Inaan ku quruxsadii

Qeyrkaa aad u qurxoonataa

Qalbigeyga ku taalle

Ma ilaa qaadan Go’aan

Mise waad i qilaafiyo

Qaddar rabiba ma taqaanid

 

Hadalada waxaa is dhaafsanayay Sahro Iyo Daahir kuwaasoo da’ahaan aad u kala weyn, waayo daahir waa wiil aad u yar, da’diisuna waa 18jir, wuxuuna la noolaa hooyadii, subixii waxaa uu dhigtaa iskuul, gelinka dambena waxa uu caseeye ka yahay suuqa sarrifka weyn

Daahir Waa wiil aad y fir-fircoon lehna soo jiidasho qaab ahaan waa wiil korrinshihisa aad u fiican, Akhlaaq wanaagsan, shaqadiisuna u guta si la wada jecleystay, taasoo uu ku kasbaday taageero badan oo wax ka caseeysta

Haddaba jaceylka ma yaqaano weynaaan iyo yaraan, akhristow haddii uu ku haleelo jacaylku waa xanuun loo baahan yahay, marna waa farxad leh ifafaalo guur

Mar aan la sheekeyssanay Daahir ayuu igaga warramay dhacdadan qabsatay taasoo ii saamaxday inaan u soo bandhigo bulshada Somaliyeed Iyo taageerayaasheyda Meel walba oo aay joogaanba si ay ugu faa’iideystaan waxaana wareysigu u dhacay sidaan

Su’aal – Daahir Iiga warran dhacdadan xanuunka badan leh ee ku qabsatay sidii ay kuu asiibtay markii ugu horreysay ?

Jawaab – Dareenka aad iga daalacan karto hadda waxa uu ii haleelay sidatan, waxaan ku sugnaa xaalad aad u wanaagsan taasoo qof walba uu ku ufarxi lahaa haddii uu ku jiro xaaladdaas, laakiin waxaan ahaa gelinka hore arday wax ka barta iskuulada ku yaalla magaalada moqdisho, mid ka mid ah, waxaan arkooday gabar ilaa dhigata iskuulka, taasoo aan u qaaday jaceyl aan ku soo koobi karin halkan laakiin aan ku gaadi jiray fursad mar uun i soo marta, maalin maalmaha ka mid ah ayaan waxaan fursad u helay inaan la kulmo anigoo ku marmarsiyoonaya buug aan ka qorto casharkii shalay baxay, sahro way iga aqbashay waana ay ii dhiibtay buuggii, maalintaas waxay ii aheyd farxaddii adduunka sidaa inaan hantay nafteedii

Markii aan guriga imid ayaan buuggii kala daalay dhunkasho jaceyl, waxaana go’aan ku gaaray inaan waraq u qoro oo aan dhex geliyo buuggeeda waayo maba ay jirin cashar iga tagay laakiin dantan baan ka lahaa

Waan qoray waraqddii waxaana ku daboolay bashqad, waxaana ku shubay bashqadda dhexdeeda barfuun si ay u carafto

LA SOCO QEYBTA DAMBE INSHA ALLAAH

Buugga Jacayl Waxa Qoray Professor Cabdishakuur cilmi Maxamed

Waa Garaacidii Hagar La’aaneed Ee Y C Ciise  

 

Faafin Somalifans.Net

 

Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@hotmail.com

One Response

  1. [...] QEYBTII LABAAD – CAASHAQII CASEEYAHA Posted on April 3, 2009 by Admin FADLAAN HADII AD SHEEKADA LA SOCON HALKAAN RIIX  [...]

Comments are closed.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers