FAALLO – FAARAX CALI JAMAC WASIIRKA MAALIYADA PUNTLAND WAA KUMA ?

mudaneIn kastoo aan jeclaan lahaa in aan jawaab fiican ka bixiyo qoraallada aan laga fiirsan ee laga soo qoro mudane Faarax ama masuuliyiinta kale ee Puntland hadana waxaan isku deyeyaa in aanan xisaabtan badan samayn sababta oo ah ma aqaan da’da, aqoonta, garashada, xiska iyo dhibta haysata dadka soo qora qoraallada waayadaan sida rasan loogaga hadlo madaxda Puntland qaarkeed.

Waxaanse ku soo koobi lahaa bal in aan in yar ka iraahdo intaan ka aqaan Faarax shakhsi ahaan, ninkaas oo aan muddo ku wada noolayn dalka Australia, aadna moodo hadda in uu bartilmaameed noqday.

Shakhsi ahaan Faarax waa nin degan, leh aqoon diimeed, mid cilmaani ah iyo mid dhaqanba
Intaan ka aqaan waa nin ka fiirsada ficilkiisa aadna isaga ilaaliya eeda dadka.

Waa nin Soomaalinimadu ku weyn tahay aadna u dareensan dhibta ummada haysata iyo meeshay salka ku hayso, aadna u odorosa sidii looga bixi lahaa.

Faarax wuxuu ka mid ahaa odayaasha reer Puntland ee aadka ugu ololayn jiray sidii Puntland horumar heer walba ah loo gaarsiin lahaa loona ilaalin lahaa nabadeeda oo loo arko inay asal u tahay horumarka.

Dhinaca aqoonta, Faarax wuxuu xirfadiisa ka bilaabay ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed wuxuuna qayb weyn ka soo qaatay dagaaladii 77da oo Soomaaliya la gashay Ethiopia, ka dibna waxaa loo xiray sabab la xiriira haybtiisa oo xilligaas qof ugu filayd in la xiro haddaanba la dilin.

Burburkii dalka ku habsaday ka dib wuxuu u dhoofay ugu horrayn dalka Yemen, halkaas oo uu uga sii hayaamay dalka Newzealand oo uu muddo ku noola kagana qalin jebiyey Jaamacada kuna bartay aqoonta xisaabaadka. Muddo ka dib wuxuu u soo degel rogtay Australia. Wuxuuna shaqa ka bilaabay hay’ad caalami ah oo la yiraahdo International Plan, halkaas oo uu haystay qaybta xisaabaadka-soo-gala-hay’da.

Muddo ka dib Faarax waa iskaga tegay shaqadaas wuxuuna dib u galay mid ka mid ah Jaamacadaha Australia kuwa ugu sarreeya oo la yiraahdo Monash University halkaas oo uu ka qaatay Shahaadada loo yaqaan Master oo uu ku bartay Culuumta sarre ee xisaabaadka iyo maaraynta.

Muddo ka dib Faarax wuxuu shaqo u bilaabay shirkad weyn oo ka taal Gobolka Fiktooriya una jirta Melbourne 120 Kilometer, wuxuuna ka shaqeeyey qaybta maaraynta xisaabaadka.

Wuxuuna halkaas ka shaqaynayey ilaa dhamaadkii 2008da.

Faarax intaan kala socdo, Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynaha Puntland ee hadda saaxiib gaara maahayn, laakiin waxa keliya oo ka dhexeeyey wuxuu ahaa iyaga oo siyaasada guud oo dalka aragti siman ka lahaa, wuxuuna Cabdiraxmaan ogaa aqoonta iyo kartida Faarax, oo ay weliba u wehelisay aqoonta dhaqanka Soomaaliyeed, taas oo muhiima marka loo adeegayo dad Soomaaliyeed.

Labadoodu waxay ka midaysnaayeen wax ka bedelida hanaanka iyo beekhaaminta dhaqaalaha iyo u dib-ugu-jihaynta dhaqaalaha dadka xaqa u leh.

Mana jirin xiriir shaqo oo ka dhexeeyey Faarax iyo Cabdiraxmaan, Cabdiraxmaana kuma lahayn kumana yeellan meherad ganacsi wadanka Australia wuxuuna markuu soo dhoofayey u shaqaynayey Hay’ada Kor-u qaadida Nolosha Soogalootiga iyo Qoondaynta barnaamijyadooda oo ku taalla Melboure, Australia.

Fikrad ahaan ma diidani in warbaahintu tooj ku ifiso qofkii masuula oo xil dadweyne haya markuu wadada ka bayro, laakiin waxaan haboonayn ku xad gudubka qof masuula oo aan wax cad loo hayn.

Teeda kale, marka warbaahintu ka sheegto qof wax beena oo dadka badankiis ogyihiin in aanay jirin, waxay dhibaato u keenaysa warbaahinta nafteeda ka dib marka dadku lumiyaan kalsoonida ay ku qabaan waxay warbaahintu soo gudbinayso. Taasina uma fiicna tayada iyo ku-tashiga warbaahinta.

Illaahay dhamaanteen wadada toosan ha ina ku toosiyo –nabaday.

Omar M. Farah (dhollawaa).
Melbourne, Australia
dhollawaa@yahoo.com.au

Faafin Somalifans.Net

 

Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@live.se