QISO JACAYL QEYBTII SADDEXAD – DA’YAR CAASHAQ DULLEYSTAY DULQAADKEEDU BADANAA!

pic_06572

 

FADLAAN HADII AADAN LA SOCON QISADA JACAYL EE AKHRISO QEYBAHA HORE EE  KOWAAD IYO LABAAD

 

Nuur kama uusan nixin hadalka nimco ka soo burqaday iyo waxa ogeysiiyay safarkiisa u gaarka ah laakiin waxa u isku dayay inuu Aamusiiyo isagoo ku qanciyay in iyaduna aysan ka dambeyneyn, Nimco oo aad mooddo in culeys ka degay sidii horana ka soo wanaagsanaatay ayaa nuur ka soo baxday

Nuur safarkiisa waxbarasho ka hor waxa uu is tusaaleeyay inuusan gabadha Nimco ah waxba u qaban karin maadaama muddo ay qaadanayso waxbarashada inuusan waxba waqti ka lumin, waa ra’yi qofku hindisi karo balse wanaagsanaan lahaydaa hadii uu gabadha la tashan lahaa, ma uusan sameynine waxa u falay inuu ka gaabsado gacalisadiisa Nimco, sheekadii billowga iyo dhamaad la’aanta ahayd ee ay wadaagi jireen iyadoon laysku caajisin daaye salaantii xitaa wuu gostay, waxaana intaa u sii dheer xilligii uu soo hoyan jiray waqti ayuu ku sii kordhiyay balse Nimco kama aysan suulin dabeecaddii ahayd inay sugto ilaa uu ka soo hoydo, iyaduna lama aysan hadli jirin laakiin uur-ku taalada jacaylka waxa uu ahaa dhinaceeda, wixii waqtigu is gurba xaalku wuu sii darsaday oo Nimco ahaan kari wayday kaligeed oo maalin ayay intay is dhiiragelisay u yeedhay Nuur waydiisayna sababta kalliftay inuu iyagoo hoy qura ku wada nool misana ay yahiin dad xiriir qoto dheer uu ka dhexeeyo ay u dhaqmaan sidii labo qofood oo aan is aqoon islaa markaan ay is ag maraan

Nuur ayaa yiri ”Abaayo sidan ayay dantu ku jirtaa waayo anigu afar sano ayaan waxbarasho maqnaanayaa, adiguna hadaad sidaa ku sii socoto oo aad xilli wlaba hareertayda fadhido berri waa kugu dhib inaad kaligaa noolaato, sidoo kale anigu waxaan ahay wiil dul saar ah oo hooyadey iyo aabahay lama nooli, wiilka Nuuradiin ahna waxaan nahay ilmo adeer isaga ayaana igu soo dadaalay, haddaana diyaar u ah inuu waxbarasho ii diro, mana awoodo inaan iraahdo gabadhan ayaa jeclahay ee ii dhis oo aan guursado, haddiiba ay dhacdana aniga iyo adiga nooma wanaagsana, wayo gacan bini’aadam kuma baahi tirto oo meel cidlo ah adigoo taagan waxba ma dhaanto aniguna waxaan kula rabaa nolol fiican, raaxo leh oo an gacantayda kugu maamulo, abaayo aniga adiga ayaan ku maqanahay……..!!!!!!!!!! ”’

Nimco jawaabta Nuur uma aysan cuntamin oo kuma aysan qancin, waxayna ka tiri ”Awalba soo maadan ogeyn inaad taay arday oo aan waliba hooyadii iyo Aabahii aan la nooleyn? Maxaad ii jeclaatay oo aad anigana iigu beertay jacaylka ? Maxaad dantaada u ogsoonaan wayday?

Nuur ayaa yiri ”Markaasi jacaylka ayaa iga tan badiyay oo talaabadaan qaadayo sax iyo qalad waxay tahay ma garanayn, xad dhaaf ayaan kuu jeclaa” Nimaco oo indhaha ka bixisay ayaa tiri ;;Xad dhaaf ayaan kuu jeclaa Aa !!!!!!! oo hadda ima jeclid?, Nuur oo xaaladda dejinaya ayaa yiri ”Maya, Abaayo sidaad moodid maaha ee i faham” iyo hadalo oo uu ku dhiig qaboojinayay

Waa qof iyo maalintiiye Nimco saddex maalin illinka qolka may soo dhaafin oo xanuunaan haybtii la aqoonin ayaa soo xaadiray, dhanka kale Nuur oo ahaa shaqsiga kaliya ee aadka u kuur galayay arrimaha Nimco oo hadii ay xummad yari qabato ku warqabi jiray iminka ma oga halkuu xalkuu marayo !!!!

Maalintii xigtay ayaa waxaa tacsi gashay Nuur reerkooda inan yareyd oo ay qaraabo ahaayeen oo ku dhex ooyeysa qolka Nimco ayuu u soo galay si uu u sabarsiiyo, isagoo Aamusiinaya una sheegaya in la wada dhimanayo loona baahan yahay in la sabro, gabadhii way Aamustay, Nuurna waa uu iska soo baxay oo uma muuqanin gabadhii Nimco oo bukaan jiifka ahayd !!!!!

Waxay ay niyadda iska tiri ”Oo adigoo xanuunsan miyuu salaanta xitaa kuu quuri waayay? Halkaad ka joogto fogaa !!!!!

Si kedis ah ayaa markiiba naqaskii ugu dhegay, gabadhii yareyd ayaa qaylo dhaamisay Nuur oo tiri ”Nuurow kaalay aboowe ….. Nimco quraan saar naqaskii ayaa ku xirmaye……”

Nuur ayaa isagoo halkiisa ka hadlaya ayaa waxa uu Yiri ”hadhow markaan soo laabto ayaan saari doonaa iminka wiilal ayaa ii taagan !!!! hadalkaasi Nimco dhagaheeda ku dhibcay ayaa naf iska raadisay, waa ay soo kacday oo inta ay waysaysatay ayay salaad u istaagtay, Allena ka bariday in qalbigeeda ka masaxo Nuur, Iyadoo ay sidaasi arrimuhu isagu dhabaqsan yihiin ayaa Nuur waxa uu ambabaxay Hargeysa, Walaalkiina waxa uu kala dardaarmay in nimco iyadana eedadeed loo diro maadaama ay xanuunsan tahay, si ay ugu soo dawo qaadato uguna soo nasato, Nimcaana la socodsiiyay inaysan waxba ka dambeyneyn oo iyaguna soo ambabixi doonto

Nimco go’aankii u dambeeyay ee ay Nuur kala qaataan waxa uu aha hadii hargeysa la tago in iyaduna u tagi doonto eedadeed, isagana goobtiisa shaqo aadi doono oo haddii uu soo xiriiriyo oo uu soo booqdo ay iyaduna xiriirin doonto hadii uu isagu ka maarmana iyaguna ay ka maaranto, sidaas ayuuna ku baxay

Waxaa laysugu yimid hargeysa Nimco xanuunkii ayaa sii darsaday, waxa la geeyay isbitaalkii uu ka hawl galayay Nuur

Dhab ahaantii inkastuu Nuur go’aan gaaray haddana aad ayuu uga naxay dhibka Nimco haya, saalada ayaa la geeyay, baaritaan kaddib waxaa soo baxday in gabadha qaallin lagu sameeyo, waxaana loo wareejiyay dhaqtar kale si loo qalo, wixii qarash ah oo baaritaanka ku bixi lahaa Nuur iyo saaxiibkii Naasir ayaa dusha u dhigtay

Gabadha bukaanka ah ee Nimco waxa wehelinayay si gaar ahna u ilaalinayay wiil ay safarka isku soo barteen oo lagu magcaabayay Najax

Nimco waa la qalay, ehelkeedana waa lagu wargeliyay inay 7cisho tubada sanka kaga jirayso oo ay koomo ku jiri doonto, inanka Najax ah ee dhexda u xirtay oo xilka Nimco la wareegay ayaa habeen iyo maalin waardiye ka ahaa oo waxa uu uga taxadarayay sidaa xaaskiisa oo kale ilaa ayba dadka isbitaalka uga shakiyeen

Dhanka kale Nuur iyo saaxiibkii Naasir waxa ay isku soo qaadeen inay booqdaan iyo in kale halka uu nuur ka dhiidhiyay oo uu yiri ”Anigu uma tagi karo ilaa tubada laga bixiyo”

Maalintii 8-Aad Ayay Nuur iyo Naasir soo aadeen qolkii ay ku sugneyd Nimco, Caafimaad waraysi kaddib Nuur ayaa haddiyad uu ugu soo talo galay oo baqshadeysan ku hoos geliyay barkinta hoosteeda

Nimco ayaa tiri ”Iga soo bixi waxa aad meesha gelisay” Iyadoo wajigeeda caro ka muuqato, nuur ayaana ku jawaabay ”Abaayo xaggeyga ma aha ee waxaan kuu soo dhiibay dumaashi Nasro”

Cabbaar kadib ayay baxeen Nuur iyo Naasir, qof walba oo waxgarad ah waxa uu indhaha Nuur ka dheehan karay inay wax ka cakiran yihiin oo uu inanku wax dib uu soo gocday, Naasir ayaa su’aal ugu dhaqaaqay saaxiibkii Nuur isagoo wax ku tuhmaya, ha ahaatee weydiimo fara badan kaddib waxa u helay xogta dhabta ah iyo siday wax u dhaceen balse markaa waxba kama uusan qaban karin oo talo faraha way ka baxday !!!!!

Haddaba Nimco waxa uu dhaqtarka u fasaxay inay xaafadeeda aaddo , Nimco caafimaadkeeda waa uu ka soo raynaya maalinba maalinta ka dambeysa illaa ay ku soo laabato asalkeedii hore, Waxaa kaabayay oo dheymood u noqday wiilka sida wacan ula tacaalay ee Najax oo ay dabeecadahoodu waafaqeen, markii ay muddo yar ka soo wareegtay xaaladdii murugada iyo xanuunka badneyd ayaa Nasro waxa ay lacag u soo wada dirtay Nuur Iyo Nimco iyadoo ku soo hagaajisay cinwaanka Nimco, Nimco waxa ay qaaday qeybtii uu lahaa Nuur Uguna geysay isbitaalka uu ka shaqeynayay, kaddibna ka soo laabatay iyadoon hadal kale u gelin waayo kama uusan sameysan oo intii xaaladeeda geeri iyo nolol u dhexeeysay, salaan booqashada kama haqab tirin oo hadal maalin oo qura ayuu ka soo ag wareegay.

Dibna looma arag lamaanihii is doortay, maalintaa ayaa isagu dambeysay oo dib isumay arag, dawgaa ayayna ku kala tageen, Nuurna safarkiisi waxbarasho ayaa u soo baxay nasiibku ma hungoobo daacadnimadaan adeegta Nimce waxa ay ku sugneyd cidlo iyo ciirsi la’ oo qof waayay kuu doortay siduu noqon waad garan kartaa dadow !!!!

Dadiw waxaa jira maah-maah oraneysa DAD IYO DUUNYABA WAX WALBA KA FILO

 

Dhamaad

Qisada waxa soo ururshay Maxamed Weli Maxamud xeebow (Food Guduud)

Waxana qoray Yusuf Cali

Somalifans Online

 

Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@live.se