Xuruunta madaxtooyada ee magaalada bosaso ayaa xalay waxa ka dhacay shir aay isagu yimadeen maamulka puntland, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo gacansatada magaalada bosaso
Shirka oo u ka qeyb galay madaxweynaha puntland Md. Cabdiraxmaan sheekh maxamed Maxamuud ayaa waxa loga hadlayey arrimaha amaanka ee magaalada moqdisho , Hadaba kulanka oo u ka hadlay wasiirka Amniga puntland Muwadiin sare Gen. Cabdullaahi Saciid Samatar ayaa Eedeyeen u jeediyey dadka qaxootiga ah ee magaalada bosaso kuwas oo ka dambeyey dhibaatadii ka dhacday magaalada bosaso ee dadku ku dhinteen kuwa kalena ku dhaawacmeen, hanti badana ku luntay
Gen. Cabdullaahi Saciid ayaa sheegay in maamulka puntland usan mar dambe aqbali doonin in aan qof dalka u dhashay u dhibaato ka sameyo degaanka puntland isaga oo qaxooti ku ah ”Hore wa idiinku sheegnay dib isagu noqda, mar labad ayaan idiinka digeyna una dulqadan mayno dhibaato dambe oo aad ka sameysaan degaanka puntland”
Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay xariga sheekh cismaan isaga oo sheegay in sheekha u yahay muwadiin reer puntland ah lana xiri karo dambina lagu soo eedeyn karo ”Sheekha la qabtay waan u sheegnay isaga waana la baaraya arrintiisa, waana idiin sheegnay, mid kale anaga maamul ahan ma ogoliin cid dalkeena laga dhoofiyo qofkii denbi gala waxa lagu maxkamadeyn islaa degaanka ah, mida kale damiirkeena aayan na siineyn inaan marna aqbalo in qof muwadiin ah laga dhoofiyo dhulkeena, dhibaatona logu gesto”

Sidoo kale waxa kulanka ka hadlay oo hadalo macquul ah ka yiri wasiirka Arrimaha gudaha puntland Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilkajiir isaga oo sheegay in waxii ka dhacay bosaso aay masuul ka yahiin wadaniyiinta ”Bal illaah aaya idiinku dhaarshe foostoyiinka shidaalka iyo tayiirada la gubayey bal ka waran hadii daraheena cad-cad la gubi laha, xaqiiq waxan ka naxsan ahay dhibaato aan inagu ka dambeynay inaguna aan gacmaheena ku sameysanay ” ayuu yiri wasiirka oo aad uga xumaday dhibaatadii shacabka aan wadaniyiinta aheyni ka geysteen gudaha bosaso
Hadaba Kulanka ayaa ku soo dhamaday jawi degaan iyada oo digniin culus lo diray dhamaan nabad-diidka dhibaatada iyo qaska ka woada magaalada bosaso
Y C Ciise
Somalifans Online
Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@live.se