FADLAAN HADII AADAN SHEEKADA LA SOCON QEYBTA KOWAAD HALKAAN RIIX WAAYO WAXA LAGA YABA INAAD FAHMI WEYSO QEYBTA LABAAD - QEYBTII KOWAAD – DA\’YAR CAASHAQ DULLEYSTAY DULQAADKEEDU BADANAA!
QEYBTA LABAAD
Dhanka kale Nasteexo waa gabar ay habar wadaag yahiin Nuur, ruuntiina aad u jecel balse isagu kama warqabo, iyaduna awood u yeelan wayday inay u soo bandhigato illeyn waa dumar caadadooda inaysan jacaylkooda ragga u soo bandhigan
Nasxteexo aad ayay uga guban jirtay sheekada iyo kaftanka dareenka leh ee dhex mari jiray Nuur Iyo Nimco
RUUX BUKAAN AH
BOQOL BAA U TALISEE
MIDBA DAWO UGU BAAQAA
WAAD KU BOGSAN YIRAAHDAA
BEER WAX JECLAADAYNA
BAAHIDIISA BADANOO
BEYLAH INUU KA BAXAA
BISHAARADIISU TAHAY
Nimco oo ahayd gabar caqli badan u saaxiib ah way dareentay baahida ay qabto gabadha Nasteexo ah, ha ahaatee dhag jalaq uma siinin oo wax uma muujinin, Nuur oo isaguna xaggisaba la daaladhacayay jacyal ugub ah oo uu u qaaday nimco ayaa waxa u fursad u helay xilli barqo ah inuu u soo bandhigo nimco
Nimaco la yaab ayay ku noqotay arrintu oo marnaba ma aysan filayn wax arrimo jacayl ah oo Nuur waxa ay ka dhigatay walaal oo kale, waxaa kaloo la yaab ahayd cabsida iyo argagaxa ka muuqatay Nuur iyo waliba xishood sababay inuu madaxiisa hoos geeyo indhahana u dhamaystiri waayay Nimco
Nimco oo jawaab celinaysa waxa ay tiri ”Abboowe sidee kaa noqotay anigu walaasha oo kale ayaan ahay, waxaasna waxba kaalama qaban karo……..” Maxay sababtay Jawaabta Nimco
Nuur saddex habeen iyo saddex maalin kama uusan soo bixin guriga, maalintii xigtay ayay Nimco soo gashay qolkiisa, waydiisayna waxa sidatan u galay,
Waxuuna nuur ku jawaabay
SAMAAN BADANEY ABAAYO
SOCDAAL MA TIHID IMINKA SOO GALAY
SIDUU XAAL YAHAY WAAD OGTAHAY E MAXAAD SALUUGTAY?
Wuxuu kaloo intaa ku daray isagoo cataabaya, muujinayana xaaladdu ku sugan yahay
DARMAAN SILICSAN BAAN AHAY
SIDEETAN JIR SIDIISI
SOCODKII BAAN GABAY SARIIRTAAN KU URUURAY
CEESHKII BAAN KA SOOMAY
SOWDKA HADALKANA DAA’
SADDEX HABEEN IYO MAALIN SIDAASAAN KU SUGNAA
SIRAADKII HABLAHAAY SABABTUNA WAA ADIGEE
SUUBANEY ABAAYO
SAACIDAAD II SUUBI
Nuur oo maalmo aan hadal ayaa markan soo fariistay raji fiicanna qaba illayn wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan ayuu faarujiyay, Nimco waxaa u caddaatay in wiilku la il daran yahay jacayl ! Iyadoo jawaabtii hore ka wanaagsan bixinaysa, qalbiga jeclaadayna samirsiinaysa ayay tiri
MACAANE ABBOOWE
MAHADHADA CAASHAQEE
MIISAANIYADDIISU WAYN TAHAY
INAAN KUGU MARTI SOORO OON
MACIIIN KU NOQDO
MIDIGTAADA AHAADAAN
MAQSUUD KAA DHIGAAN
MASKAXDEYDA KA MAAGEE
MA HURAAN WAA LABADEENEE
HADDAAN MOWD KA CAFIYA LAY DHIHIN
MUSTAQBALKAYGU WAA ADI !!!!
Nimco kolkey intaas marisay ayay haddana waxa ay raali gelin ka bixisay dhibkii ay badday Nuur
Intii ay nimco hadalaysay kalmad walba oo ay tirahdo waxa ay ahayd sida goojo dawo ah oo jirkiisa lagu dhibcinaayo ayuu nashaad iyo farxad muujinayay, Una ballan qaaday inuusan dunnida guudkeeda ku cidlayn doonin, marxabba iyo guddoon ayaa laysku afgartay, Maxaase ka dambeyn doona ?????
Nimco waxay caado ka dhigatay inay habeenkii qeybtiisa horoo dhan soo jeedo ilaa nuur soo caweysin dhamaysto oo ardaaga ayay ku sugi jirtay iyadoo heegan ah
Nuur iyo Nimco aad ayay isku dhex galeen, balse farqiga u dhexeeyay waxa uu ahaa Nuur waxa uu ahaa arday dugsi sare markaasi dhameeyay, wuxuuna aad u daneynayay inuu jaamacad galo
Habeen habeenada ka mid ah ayaa Nuur u yeeray wiilka ay walaalaha yihiin ee Nuuradiin una sheegay in jaamacad dibadda ah loo diri doono muddo yar kaddib intaasna uu ku sii sugnaan doono magaalada hargeysa
Nuur shaqadiisu waxa ay ahayd shaqaale caafimaad (kalkaaliye) oo waxa ka shaqeyn jiray isbitaal ku yaalla Jabuuti , waxa uuna ka su’aal weydiiyay walaalkiisa Nuuradiin halka ay ku dambeyn doonto shaqadiisa kol hadduu tagayo hargeysa, Nuuradiin ayaa jawaab waafi ah oo lagu qanci jiray siiyay oo yiri ”Walaal horaan uga baaraan degay oo beddel ayaan kaaga soo qaaday” Nuur taladii ayuu qaatay, inantii Nimco ahaydna waxba ma uusan ogeysiin !!!
Ha ahaatee Nimco waa ay ogaatay arrinka soo kordhay balse wax dood ah kama aysan soo jeedin ee waa ay iska aamustay, la yaab ayayna ku noqotay qofkii dhamaa oo ay nafta u dhexeysay wax walbana ka wada tashan jireen oo waxba u soo bandhigin !!!!!
Maalin aan saa u sii fogeyn ayaa waxa ambabaxay gabar ay Nimco saaxiibo yihiin oo deriskooda ahayd, markaasey sawiratay in gacaliyaheeda Nuur uu isagana sidaas u bixi doono, kolkaasey intay qolkeedii ku noqotay af labadii oyday oo ay is Aamusiin kari wayday, waxa kolba meel iska rogto mar dambe ayaa waxaa gudaha u soo galay Nuur oo weydiiyay waxa ku dhacay, markaas ayay Nimco iyadoo is ciil kaabinaysa ku tiri ”Saaxiibadeydii aan deris wadaagga ahayn way tagtay, sidoo kale adna wehelkaygiyow waa iga tagaysaa, ma waxaan la murugooonbaa oo aan la ooyin” ????????
LA SOCO QEYBTA SADDEXAD INSHA ALLAAH BERI
Qisada waxa soo ururshay Maxamed Weli Maxamud xeebow (Food Guduud)
Waxana qoray Yusuf Cali
Somalifans Online
Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@live.se
Filed under: Uncategorized Tagged: | Wararka
