Dhamaan Akhriste Yaasha Waxan u soo bandhigi qiso jacayl oo dhab ah insha allaah maalin walba waan idiin soo gudbin qeyb ka mid ah sheekada dadka ay dhaftaana waan ugu celin doona qeybaha dhafay anaga oo u sameyn doona meel aay kala socdaan waxii dhafay ee hore , Habada akhriso Sheekhada macaan Ahna Qiso Xaqiiq ah
Nimco waa gabadha ay haleeshay qisadan jacayl ee xanuunka iyo murugada badan !
Nimco waxa ay safar ku tagtay gobolka waqooyi galbeed casuumadiisa hargeysa, halkaasoo ay ugu yeedhay eheladeeda si ay leen dibadda ah ugu baxdo
Nimco ma jirin qof ay ka garanaysay meesha in muddo ah markii ay joogtay ayay iyada iyo eedadeed go’aansadeen inay nimco iskuul tagto.
Nimco waxaa la geeyay iskuul Private ah oo aan sidaasi uga sii fogeyn xaafadda ay degganaayeen, halkaasi ayay waxbarasho ka billowday, Nimco waxa ay is barteen gabadh lagu magcaabo nasro oo ay deris wadaag ahaayeen, Nasro ma ahayn gabar deegaan ah ee waxa ay xagaa-bax uga timid dalka Jabuuti
Nasiib darro nimco iyo eheladeeda waxa ka dhex dhashay is afgaran waa xagga nolosha ah oo nimco uma suurto gelin inay hesho wax walba oo ay u baahan tahay
KOL HADDAD KA HAYAANTO
HALKA AAD KU DHALATIYO
HOYGA AAD KU NOOSHAHAY
HOOYADAA KA DHEERAATO
HUBAAL WEEYE INAANAY
HIIL KUU NOQONEYN DAD KALE
HAQABTIRI KARIN BAAHIDAADA !
Balse nimco waxa ay ahayd gabar karti iyo firfircooni Eebe u dhaliyay oo waxa ay go’aansatay inay culayska ka qaado eedadeed oo ay ku wareegto saxiibadeed oo uu u dhamaaday waqtigii xagaa-baxa loogu talo galay,
Nimco waxa ay ku wareegtay guriga saaxiibateed Nasro kaddib markii ay u xog warrantay, Nasro oo iyadabada aad u daneyneysay sida ay u heli lahayd wehel ayaa soo dhoweysay fakarka nimco , Waxayna labadoodaba u safreen dalka jabuuti, nasiib waxay la kulmeen xilli faraxdeed oo waxa la guursanayay gabar yaro u ahayd shaqiiyad (Shaqaalo), Nimco iyo Nasro oo sidii ayay ugu qayb qaateen arooskii waxaana goobta ku weheliyay nasro dumaashigeed iyo wiil ay saaxiibo ahayeen, nimco aad ayaa loo soo dhoweeyay, waxayna ula dhaqmeen sida gabar ay horay u yaqaaneen,
Nimco waxa ay magac ahaan ku joogtay guriga inan shaqaale ah, balse waxa ay u muuqatay inay ehelka ka tirsan tahay oo marnaba looma muujinin inay tahay shaqaale
Nimco waxa ay is barteen Nuur oo aha Nasro dumaashigeed oo u muujiyay dabacsanaan, dareen Nugul iyo daacadnimo, taasoo dhiiragalinaysay inanta cidlada wehel u noqotay, wayna is fahmeen oo xilli walba way sheekeysan jireen
Nimco oo ka warramaysay wanaagga iyo sharafta uu leeyahay Nuur ayaa waxa ay tiri ”Xaqiiqdii billowgii barashadeena marnaba ma aanan dareemin wax cidlo ah oo maalintaan bartay ayaa iigu dambeysay murugo, si wanaagsan ayuu iila dhaqmi jiray, kana warqabi jiray wax ila soo gudboonada, maxaase ka dambeyn doona?
LA SOCO QEYBTA LABAAD INSHA ALLAAH BERI
Qisada waxa soo ururshay Maxamed Weli Maxamud xeebow (Food Guduud)
Waxana qoray Yusuf Cali
Somalifans Online
Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@live.se
Filed under: Uncategorized Tagged: | Wararka