Marka hore waxa salan qiimaleh u dirayaa dhaman shacabka Somaliland gudo iyo dabadba waxa aan iyana salan gara u dirayaa wargaysyada iyo mareegaha xortaa ee xalaashaa ee danta dalka iyo dadkooda kahormariya tooda gaarka ah meel garana aan shidaalka ka qaadan waxana kalasaaridoona inshaa alaahu Sooyaalka taariikheed hadii aan intaa dhaafo
Hadii aan akhristow uguda dago maqaal kaygan waxa aan dib u raacay todoba sananood uu madaxwayne Riyaale dalka uu ka talinayey runtii marka laga reebo afar arimood oo sooyaalka taareekheed iyo dadaalka shacabka Somaliland ay isu miskaan sadeen kana dhacay intii uu madaxweyne Riyaale talada hayey mooyee wax kale oo uu sooyaalka taariikheed laga reebayaa ma jirto habayaratee Ina Riyaale.
Hadii ay tahay habmaamul iyo habsami u socod doladeed dhaqaale,maamul wadaag,tusaale laga daydo wax uu qaribay mooyee wax uu haajiyey habayaratee laga reebimaayo
1 Doorashadii Dowladaha hoose :waxa laga faiiday shan iyo labatan Maayar oo an Gobaladu mushaharkoodaba qaadi karin
2 Doorashadii Madaxwaynaha : waxa laga faaiiday dowlad xumo musuq maasuq cadalad daro xadhig dhaqaalo xumo kaligii talisnimo latashi qabaliilada halkii lagu guurilaha taa Baarlamanka iyo guurtidana talada loo doonanlahaa
3 Doorashadii Baarlamaanka :waxa laga faaiiday shacabkii soo doortay oo ku hungoobay dalxiis dabadaha loo tago marka laga reebo waxaba noodhaamay kuwii qabiilkee dalka noo fadhiyey ee aan meela qaban jirin
4 Doorashadii Codbixiyaasha:waxa laga faaiiday muran iyo doorasho dib u dhacda iyo dhaqaalihii shacabku loogaga taageeri lahaa caafimaadka waxbarashada booliska wadooyinka ciidamada ayaa inagaga lumay
Afartaa arimaad mooyee wax taariisha manta ay shacabka Somaliland ay ku saxuusan karaan haba yaratee ma jirto
7 sanadood maxaa qamsoomi kara .?
Dalku hadii uu heli laha hogaan ku dhisan cilmi iyo aqoon hayan iyo hurumar xisaabtan ilaa heer madaxweyne ilaa shaqaale shacabka oo sanadwalba sijoogto ah loogu soo bandhigo waxii sadankii hore laqabtay iyo waxa sanadkan laqabsanayo su aalo la iska waydiiyo maxaa sanadkii tagay aan qabanay maxaan sanadkan qabsanaa halkeebaan jilicsan ma wadaayinka ma dhakhaatiirta ma waxbarashada madakadaha maciidamada ma booliska
Laxisaabtan hayadaha dalka jooga isku soo wada duuboo mamul isku jaan go an ilaa shacab ilaa heer dowladeed oo ah iskaa wax u qabso ka hortag musuq maasuq samayn hanta dhowrkuud oo ka madax banan dowlada oo la xisaab tanta ilaa heer Madaxweyne ilaa shaqalaha hoose oo kii shilinku baydho la horkeeno cadaalada lagana dhigo tuug boogleh taasi waxa ay saamixi lahayd in ay dadku ka baqaan in ay lun sadaan handida shacabka tani waa sida wax u dhismaan oo lagagabaxo horumar la,aanta looguna guuro horumar iyo dalka oo dhaqaalihiisu kobco shaqada oo koradha.
1 hadii aan su aasha ka jawaabo harta maalintii Mdaxweynaha ladoortay Somalilanderkii dhashay waxa uu dhigtaa iskuulka hoose waxa uu yaqanaa muuqaalka madaxweynaha waxa uu higsanayaa in uu khayrkii latartamo.si uu dalkiisa iyo dadkiisaba uu ula simo bulsha weynta caalamka ku nool
2 kii maalintaa todaba jirta ahaa manta waa gaashaan qaad ama qaangaadh waakaa madaxweynii mustaqbalkiisa iyo masayrkiisaba kahaa masuulka kaga tahribay isaga oo gurigii uu maalinta galay ku jira ee saxara ku dhintay ama silica ku soo gaadhay wadamada reer yurub kuna joogo sharci la,aan
Hadaba iga dheh madaxwayne dadkiisii iyo dalkiisaba gabay abaalaawe aan abaalka aqoon siloogudo
Imaashii madaxwayne Riyaale: ka bilow Boorame oo ah magalada uu ka soo jeedo Wax alaale iyo wax ku soo biiray ma jiraan marka laga reebo madaxwaynaha aya boorame ka soo jeeda
Gacan libaax +hargeysa biya la.aantii sidiibay uga taagan tahay maamul xumo iyo shacabkoo naxariis dara loo dilo wooyinku sidii bay u burbursan yihiin Madaxtooyada xashiishka ayaa horteeda dhooban
Togdheer sidiibaa lacagtii giinbaarta ahayd ee tobanka jeer loogu balan qaaday ula tiicasaa maamul keedana Madaxtooyada looga taliyaaa iyada oo dalka oo dhan madaxtooyada looga taliyo oo loogacan dhaafay maamul Gobaleeedkii
Saaxil iyo Dakadii caalamiga ahayd labaabada aaya laisugu dhuftay Tukaha ayey ehel wadagaan.
Sanaag iyo bari maamul gaadha dayoo badhbaa lumay lacagta majeerteeniya mishiinka boosaaso yaala lagudaabaco lagaga badashaa warshadii kaluunka ee Laasqoray ee xiligii ilahay naxariisti jano haka waraabiyee maamul Maxamed Ibraahim Cigaal Somaliland hoos imanjirtay hada shufto reer majeerteeniya baa hogaanka u haya
Looscaanood duruufuhu sidiibaa dusheeda uga muuqdaan biyihii macanaa ee laagu balan qaaaday lama hayo sanduuqii qaadhaanka madatooyada muu soo dhaafin
Waligay maan maqal Riyaale ayaa bukaanjiifka cusbitaalka guud ee Somaliland oo dhamaan shacabka ku dhaqan Somaliland ay jiifaan ayaa soo booqday oo sadaqo gaadhsiiyey Xitaa saaxiibadiisii iyo muwaadiniintii ku dhaawacmay weerarkii xagagixisnimo iyo mujaahidiintii dagaalkii lala galay majeerteeniya ku soo booqday nin aan danka lahayn sadaqadana aan aqoon
Waligay maan maqal Riyaale ayaa tagay Dakada caalamigaa ee Berbera oo lacagta ka soo baxda ayna ku dhicin wasarada maaliyada ee Somaliland lakin jeebka mataxtooyada sitoos ah ugu dhacda Riyaale waa muudso macaan keedee ha hadanayn meesha ay ka soobaxdo si kastaha ha u eekaatee
Waligay maanmaqal Riyaale ayaa tagay Iskuula iyo Jaamacadaha ay shacabku dhisteen.iga dheh aqoondaro ka haysa ila ay ka soo burqadaan tacliintu
Waligay maan maqal Riyaale ayaa u tagay Ciidamada qalabka si uu dhiiri galin iyo taageero ugu muujiyo qudbad madaxweyne ujeediyey todobadaa sanaood iga dheh aqoondaro malatari iyo ciidan darajo lasiiyo dayoo mushaharka ayaa dirqi ugu taga.
Waligay maan maqal Riyaale ayaa mujaahidiintii SNM qada sharaf u sameeyey iskada qado loosameeyoo hanjabaad iyo xiqdi xaasid ayaa nafta loogu keenay geesigii naftiisa u huray mantana dalka ku ah dulmana igadheh nin aan aqoon giisigiisa naftiisa u huray kursiga uu manta ku fadhiyo.
Waligay maan maqal Riyaale ayaa aqoon yahanka Somaliland isugu yeedhay oo kala datashaday masayrka dalka iyo dowlad wanaaga masayrka umada hayaanka dalku u jeedo iga dheh nin soo shaqatagay oo xoolo urursi ah dalkana aan dan ka lahayn.
Gaba gabadii Riyaalow meeday dhaartii aad u martay umada iyo ilahay in aad dalka ku mamulayso cadaalad iyo garsoor fiican iga dheh nin kitaab xooro beena waas ilowshiiya dhawaa ma umulbaa.
Waxa aan soo jeedinayaa sadax arimood
1 Riyaalow doorashada qabo oo ku dhacyeelo
2 shacabkoo ogaaada waxa aad beerataan ayaa inii soo baxayee dii aad Garanwaa beerataan Garanwaa baa inii soo baxayaa ee iimaan sada
3 Riyaalow hadii doorashada lagaa helo mudaadin dalkiisa jooga noqo oo talo iyo tusaale ba dalka sii
Suleiman Saeed Kabadhe (Danjiree)
E-Mail danjiree@gmail.com
Source Warjire.com
Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com Ama Somalifans@live.se