AFHAYEENKA BEESHA XAAJI CABDI KUMADE OO U HANJABAY QURBA JOOGTA TAAGEERTA ONLF IYO LIISKA MUJAAHIDIINTII KU SHAHIIDAY DAGAALKII ABAAQAROOW


Afhayeenka beesha xaaji cabdi Kumade GELIMEYS Mudane yasiin cabdi jire (WIIL WAAL) oo caawa u waramayey warbaahinta Somalifans.Net ayaa sii weyn u cambareyey dad taageera ururka argagaxisada onlf kuwas oo ku nool wadama reer yurub

Mudane Yasiin ayaa sheegay in aay jiran dad hantidooda taalo wadanka ethiopia oo hadana maalin walba haweenka ka urursan lacago aay u diran ururka nabadiidka ah ee Onlf

”Waxa jira dad hanti ku leh wadankii oo hadana maalin walba urursan lacago sii aay ugu taageeran ururkan nabadiidka ah ee ONLF, waxaba ugu daran Jaaliyada Sweden Ee Ogaden” ayuu yiri Mudane Yasiin cabdi

 

Sidoo kale Afhayeenku waxa u sii weyn u dhaliilay Oday Lagu magcaabo Carab oo isagu aan ka soo jeedin beesha Ugaden Balse ah nin sheegato ah oo raba inu isku diro beelaha walaalka ah ee Ugaden Iyo Gelimeys

Mudane yasiin cabdi jire ayaa sidoo kale sheegay inu ku dacweyn doono dowlada Sweden ninkan dhamaan dadka taageera ururka nabadiidka ah, una lambarka kowaad kaga jiro oday carab oo isagu ah sheegto aan la aqoon meel u ka soo jeedo

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in aay qaban doonan banaanbaxyo loga soo horjeedo xasuuqa shacabka Somalida ethiopia aay ku hayan ururka Nabadiidka ah ee ONLF

Mudane Yasiin cabdi Jire ayaa ku soo gabagabeyey hadalkiisa in la arki doono dadka Oohintu u dambeyso, waxana u ugu baaqay beelaha walaalka ah inaysan ka dhex fa’iideysan cadowga aan la aqoon meel u ka soo jeedo una kow ka yahay oday carab iyo kooxdiisa oo dhowaan iyagu la soo gabagabeyn doono warkooda caydhuna aay gababsi ku noqon doonto

Dhanka kale halkaan waxan idiinka soo gudbin magacyaada mujaahidiintii ku shahiiday dagaalkii Casuumada Abaaqaroow agagarkeeda ka dhacay

Shuhadada aan magacyadooda heyno ilaa hada waxay kala yahiin

Mujaahid Gorad Dhubda

Mujaahid Faarax Cabdi Wali

Mujaahid Yusuf Jamaal

Mujaahid Xamdi Haye

Mujaahid maxamed Deeq

Mujaahid Saxardiid

Mujaahid xukun Ragge

Mujaahid Deeq Cabdi gaani

Mujaahid Maxamed Cismaan Saxane

Afdalu Mujaahidiin Allaah ha u naxariiste Cabdi Kurbad waa ninka kaliya ee layey dhamaan Intaa ka dhimatay nabadiidka oo ah 20 waxa allaah fadligiisa ku sababay gacantiisa dhamaan nabadiidka cadowga ah

Mujaahid cabdi kurbad iyo dhamaan mujaahidiinta kaleba waxan lenahay illaahay ha u naxariisto amiiin amiiin amiiin

 

Yusuf Cali

 

Somalifans Online

Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers