NIN U DASHAY WADANKA HOLLAND OO KU HADLAYA AFKA SOMALIGA HALKAAN KA DAAWO

bobBob oo ka soo jeeda dalka holland ayaa ah qof bartay luuqda somaliga muddo toban sano ka hor ah hadaba waxa u in badan aan ka waraysanay qabku u bartay iyo waliba dadka ku caawiyey barashada luuqada

bob

Bob ayaa sheegay asxaabtiisa aay ku dhalisay barashada luuqada somaliga isaga oo sheegay in Xeero kaam ah oo aay ku jiren somali badan u macalin ka aha isaga oo halkaas ku bari jiray somalida luuqada Afka Holland halka iyaguna aay bari jireen luuqda somaliga

Bob ayaa sheegay in u afka somaliga ku bartay mudo labo sano ah, isaga oo sheegay in u ereyada somaliga ka isticmaali jiray qaamuus halkaas oo u ka raadin jiray ereyada ka luma ama kuwa uu garan waayo, sidoo kalena waxa u sheegay in asxaabtiisa aay u soo fasiiri jireen ereyda u aqoon wayo

Mr Bob ayaa sheegay inu aad u jecel yahay afka somaliga waxana u sheegay in somaligu yahay af aad u wanaagsan oo baladhaan

Sidoo kale waxa u sheegay in somaligu u yara adag yahay isaga oo sheegay in aay ugu wacan tahay somalida oo boobsiiya hadalka taasina aay keeni in afka u adkaado hadii usan aheyn qofka mid wax fahmi

Waxa kale oo u sheegay inu jecel yahay inu sameyo buug qaamuus ah oo isku kala turjumi luqadaha somaliga iyo Hollandiiska

Sidoo kale waxa u sheegay inu ilaa hada caawiyo dad somaliyeed uu jecel inay bartaan luuqada holland isaguna ka faa’iideysto waxyabaha usan aqoon ee weli mugdiga kaga jiro

Ugu dambeyntii Bob waxa u somalida ugu baaqay ina nabada ka shaqeyan dalkoodana dib u dhistaan taageerana nabada iyo midnimada ummada

 

Yusuf Cali

Somalifans Online

Nagala xiriir Somalifans@gmail.com

One Response

  1. wooow. walahi waa qatar nin Holand u dhashay oo tariikhda somalida saan u yaqana.. coooooooooool

Comments are closed.