MADAXWEYNE SHARIIF OO SII WEYN LOGU SOO DHOWEEYEY MAGAALADA NAIROBI IYO KULAMO U LA QATAY DHIGIISA WADANKA KENYA

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed Oo maanta ka dulay magaalada moqdisho ayaa sii weyn logu soo dhoweeyay garoonka Jomo kenyata ee magaalada Nairobi, madaxweynaha oo aay safaarka ku weheliyan masuuliyiin ka tirsan dowlada ayna ka mid yahiin , Shariif xasan Sheekh aadan, Cabdalla Boos Axmed Iyo Prof Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Iyo Saraakiil Kale oo dhowr ayaa halkaas sii weyn logu soo dhoweeyey

Madaxweynaha ayaa caawa kulamo xasaasi ah kula yeshay xurunta madaxtooyada ee State House-ka madaxweynaha kenya Moi Kibaki iyaga oo ka wada hadlay arrimo badan oo xasaasi ah

shariif1

Madaxweyna shariif ayaa kala hadlaya dhigiisa martida u yahay arrimo aay kamid yahiin iskaashiga labada wadan, sii adkeynta soodinta labad dal aay wadagaan iyo waliba xaladaha dhibaato ee heysta qaxootiga somalida ee halka jooga

Madaxweynaha ayaa la filaya inu Magaalada nairobi joogo labada maalin ee soo socta, sidoo kalena halkaas waxa u kulamo kula yeelan dona Mudane shariif sheekh axmed madaxweynaha DFKMG masuuliyiinta Urur Goboleedka IGAD iyo safiirada wadamada reer galbeedka ee jooga kenya

Booqashadaas ayaa ah tii ugu horeysay oo madaxweynaha DFKMG uu si rasmiya ugu tago wadanka kenya tan iyo markii lo doortay madaxweyneha Dowlada KMG ee Somaliya

 

JamJam

Somalifans Online

Nagala Xiriir Somalifans@gmail.com

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers