Xaalada Magaalada Moqdisho Oo Saaka Degan Kadib Is Rasaaseeyn Xalay Ka Dhacday Halkaas


moqdishoWaxaa saaka degan xaalada goobihii ay xalay isku rasaaseeyeen Xoogag ka wada tirsana maxkamadaha moqdisho oo isku qabtay dhanka Fikirka iyo Hub la sheegay in ay kala haystaan

Warar Xaqiiq ah oo aan helnay ayaa tilmaamaya in labada dhinac ee dagaalantay oo markii hore isla ahaayeen maxkamadahii moqdisho balse laba Garab Noqday u kala baxeen

Kooxaha Xalay Dirirtu dhaxmartay ayaa isku Maan dhaafay Hub iyo Gaadiid Dagaal oo Bilihii la soo dhaafay ay labada dhinac si kala shaki ah u kala qabsadeen

Hotelka Ramadaan oo ay ku suganyihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Dowladda KMG ayay dhinacyadii Dagaalamayay la dheceen qoryaha Baasuukaha loo yaqaan

Xaalada degaanka yaaqshiid ayaa saaka aad u degan waxaana si caadi ah u socdo Ganacsiga iyo Waxbarashada,Wararka ayaa intaas ku daraya in Odayaal ay bilaabeen Dadaallo Nabadeed

Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa qaati ka taagan Dagaalada aan kala joogsiga lahayn ee weli Muqdisho kasii socda waxayna door bidayaan in Nabad lagu dhameeyo ismaan dhaafyada ka jira moqdisho oo aan la aqoon waxay ku saleysan yahiin

 

 

Somalifans Online

Nagala Xiriir somalifansonline@yahoo.com

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers