Maxkamada Islaamiga Ee Magaalada Jowhar Oo Ku Amartay Ganacsatada Inay Dayactiraan Wadooyinka Burbursan

wadoyinMaxkamada islaamiga ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ganacsatada magaalada Jowhar ku amaray in ay daycatiraan wadooyinka magaaladaasi oo burbursan

Amarkani ka soo baxay xafiiska maamulka maxaakiimta ee degmada Jowhar ayaa waxaa lagu amaray ganacsatada magaaladaasi in ay dayactir ku sameeyaan dhamaan wadooyinka waa weyn ee dhex mara magaalada Jowhar

Amarkani ayaa waxaa uu yimid kadib markii kulan looga hadlayay wadooyinka burbursan ee magaalada Jowhar uu dhex maray masuuliyiinta maamulka maxkamadaha ee magaaladaasi,waxaana ganacsatada lagu amaray in cid waliba ay ka qeyb qaadato dayactirka lagu sameeyo wadooyinka Burbursan ee jowhar

Waxaana amarka lagu sheegay in maamulka degmada Jowhar uu gacan ka geysan doono sidii loo dayactiri lahaa wadooyinka burbursan

Wareegtada ka soo baxaday maamulka maxaakiimta islaamiga ee magaalada Jowhar ayaa waxaa ku saxiixnaan gudoomiyaha maamulka Maxaakiimta ee degmadaasi Cali Cabdulle Nuur waxaana lagu sheegay in cidii u hogaansami weysa amarkani tilaabo sharci ah laga qaadi doono

 

Somalifans Online

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers