Ururka Cusub Ee Xizbul Islaam Oo Magcaabay Maamulkiisa Sare


xizbul-islaamWaxa dhowaan midoobay ururo islaami ah ayna ka mid yahiin Golaha maxaakiimta Garabka Dr Cumar Iimaam , Jabhadda Islaamiga Ee Somaliyeed Jebiso, Mucaskarka Raaskaanbooni IYo Mucaskarka Faaruuq (Caanoole).

Hadaba ururkan cusub ee Xizbul Islaam ayaa waxa lagu qeybiyey sidaan Hoose madaxda sar sare

drcumar-iiman

Gudoomiyaha Xisbiga Xizbul Islaam Waa

Dr Cumar Iimaam Abuukar Oo Aha Madaxa Maxkamadaha islaamiga ah garabka Asmara

 

Gudoomiye Ku Xigeen Xisbiga Xizbul Islaam Mudane Sheekh Xasan Cabdullaahi Turki Mucaskarka Raaskaambooni

Taliyaha Ciidanka Hogaanka Sare Ee Ururka Xizbul Islaam CabdiQaadir Komaandoos Jabhada islaamiga Ee Somaliyeed Jebiso

 

 Afhayeenka ururka Xisbul Islaam Waxa Lo Magcaabay isagana Sheekh Xasan Mahdi Ururka Jebiso

Hadaba Ururkan ayaa ah mid cusub in kasta oo aysan ku jirin ururka alshabaab hadana dhamaan waa isku mowqiif waxana ka go’aan in dalka Somaliya lagu xakumo sharciga islaamka taas oo u ka soo horjeestay Madaxweynaha Cilmaniga ah ee cusub Shariif Sheekh Axmed

Dhanka kale madaxda ururka cusub ee xizbul islaam ayaa la sheegay inay dhamaan dalka ku soo laabteen iyaga oo la filayo inay bilaaban hawlaha horyaal oo aay ka mid tahay dhaqan gelinta sharciga iyo xoogeynta ururada cusub waxana la filaya in madaxda ururka khaas ahan gudoomiyaha Dr Cumar Iimaam in u saxaafada la hadlo dhowaan una ka hadlo arrimaha iyo jadwalka xisbiga cusub ee midowga afarta urur ee islaamiga ah

 

Maslaax Cabdi Warsame

Somalifans.Net Moqadisho

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers