Madaxweynaha K/somaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa dib ugu soo labtay magaalada jabuuti shariifka iyo wafdi heer sare ah oo u hoggaaminayey ayaa waxa safaarkooda sidoo kale la socday madaxweynaha dalkiisa lagu doortay ee ismaciil cumar gelle
Hadaba markii u soo garay magaalada jabuuti ayuu shariif sheekh axmed madaxweynaha k/somaliya waxa u shir jara’iid ku qabtay halkaas waxana u ka warbixiyey safaarkiisi magaalada addis ababa iyo madaxdii halkaas u kula kulmay isaga oo sheegay inu wada hadal la soo yeeshay masuuliyiin kala duwan ayna ka mid yahiin madaxda ururka midowga afrika , qaramada midoobay iyo saraakil ka socota midowga yurub waxana u sheegay in dhamaan wada hadalkaasi u ku dhamaday guul iyo is faham
Sidoo kale Shariif sheekh axmed waxa u ka hadlay Warar saxaafada la isla dhex marayey oo sheegayey inu ciidan nabad illaalin ah dalbaday iyo in kale waxana u sheegay inaan warkaasi haba yarate waxba ka jirin
Dhanka kale mar wax laga weydiiyey goorta xukumadiisu dalka dib ugu laban doonto ayuu sheegay in sidaa ugu dhaqsaha badan aay xukumadiisu dalka dib ugu laban doonto sidoo kalena wasiirada dowlad konfuur somaliya aay yeelan doonto dhamaan lagu magcaabi doono dalka gudahiisa marka laga reebo wasiirka kowaad oo dhowan isaga la magcaabi doono
Ugu Danbeyntii shariif sheekh axmed hoggaamiyaha K/Somaliya waxa u sheegay in aay dowladiisu heshay balan qadyo iyo tageero calaami ah sida u hadalka u dhigay
Somalifans.Net jabuuti