Somaliya Oo Beri Ku Kala Tegi doonta Doorashada Madaxweynaha Kadib +Liiska Ragga Hungurigu Qaday
Berito waxa magaalada jabuuti ka dhici doonta doorashada madaxweynaha kala qeybiin doona somaliya kaas oo ka kala dhigii doona gobolo iyo tuuloyiin .
Madaxweynahas oo lo dooran doono sidaa la sheegayo Labada musharax ee ka socda beesha hawiye ee kala ah Col. Nuur Xasan Xuseen Iyo Gudoomiyaha isbahaysiga Xorreynta hawiye Mudane shariif sheekh axmed labada nin ayaa aad ugu cadcad doorashada beri ka dhaci doonta magaalada jabuuti in kasta oo ragg kale oo badani sharaxeen hadaba doorashada ayaa bilaaban doonta 3Pm xiliga geeska afrikana waxay ku began tahay galabnimo doorashada ayaa waxa codeyn doona sida la sheegay in ku dhow 500 oo xubin baarlamaan ah waa caajib.
Hadaba madaxweyne ku sheega cusub ayaa noqon doona mid kala qeybiya somaliya una kala jara gobol gobol madama aay hore u sheegen maamulka puntland hadan laga laban doorashadan in wax weyn iska bedeli doonan xalka puntland sidoo kale hore ayeey aheyd markii somaliland u sheegtay inaan waxba ka khuseyn waxa halka ka soo baxa sidoo kalena alshabaab iyo kooxo la mid ah waxay fadhiyan konfuur hadaba waxa la filaya in madaxweyne ku sheega cusub usanba dhaafin magaalada lagu doortay ee jabuuti .
Hadab Halkaan ka akhriso Ragga Yiri Berito ha Nala doorto
1. Shariif Sheekh Axmed Gudoomiyaha Isbahaysiga Xorreynta Hawiye
2. Axmed Xaashi Maxamuud
3. Cali Xaashi Dhoore
4. Cali Khaliif Galeyr (Ra’iisal wasaarahi Kooxda Carta)
5. Cawad Axmed Cashara
6. Xasan Abshir Faarax (Meel Walba Waan ka Sharax Nahay)
7. Maslax Maxamed Siyaad ( Wiilkii Halyeey Maxamed Siyaad Barre Illaahay Ha U Naxariiste)
8. Maxamed Axmed Cali
9. Mudane Maxamed maxamuud Guuleed (Gacma-dheere)
10. Maxamed Cismaan Aadam
11. Yuusuf Cumar al-Azhari (La Taliyahii Madaxweyne Cabdilaahi Yusuf Dhanka Siyaasada)
12. Muuse Macalim Yuusuf
13. Nuur Cadde (Burburshahii Dowlada Federaalka)
14. Cabdiramaan Cabdi Xuseen
Source Ruunsheeg.co.cc