Ciidanka faransiiska oo puntland ku wareejiyey 9burcad badeeda ah

Waxa goor dhoweyd lagu soo wareejiyey ciidanka ilaalada xeebaha puntland lagu soo wareejiyey 9 ka tirsan burcad badeeda somalida ee ka qawleysata xeebaha somaliya

ciidanka faransiiska ee jooga xeebta somaliya ayaa qabtay burcadan iyo dhamaan qalabkii aay woteen waxana daqiiqado ka hor lagu soo wareejiyey ilaalada xeebaha puntland waxana la fialaya inay goor dhow laga soo deejiyo dekeda magaalada bosaso

Ma aha markii ugu horeysay ee ciidanka faransiika uu burcad badeed ku soo wareejiyo ciidanka puntland balse waxa xiliyadan dambe ka dhaxeyey maamulka gobolka puntland iyo ciidanka faransiiska wada shaqeyn aad u wanaagsan .

hadaba waxa goor dhow la keeni doona dekeda bosaso burcada kadibna waxa lo gudbin doona xabsiga weyn ee bosaso waxay hada ku sugan yahiin meel u jirta xeebta 7meel

 

 

 

Suuleqa Maxamuud qaboowsade

Somalifans.Net Bosaso

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers