Shacabka reer somaliland xaq waxay u leyahiin in aqoonsi la siiyo waliba iyaga oo isku dhan dhamaan balse waxa hor tagan arrimo badan oo aay lambarka kowaad kaga jirto xasidnimada reer konfuurka iyo damaca dheer ee siyaasiyiinta gobolka u dhashay oo aan marna ka fekerin wadanka aay ka soo jeedan ama gobolka
Somaliland hada waa jamhuuriyad balse lama hayo hal dowlad xiita oo aqoonsaday waxa ugu wanaagsan dowlada aan walaalka nahay ee Ethiopia oo addis ababa uga furtay xafiis balse u eeg safaarad, hadaba himiladii Mujahiidinti SNM waxa la dhahi kara waxa maanta hor tagan labada arrimood ee aan soo sheegay , xaqiiq hadii madaxweyne daahir riyaale kaahin niyad ka tahay in shacabka somaliland helan aqoonsi buuxa anigu waxan amiinsan ahay inay mar hore heli lahayeen balse daahir riyaale iyo siyaasiyiin la mid ah niyad kama aha in somaliland aqoonsi rasmi ah hesho taasina waxan dhahi kara dad badan oo ilaa fikir ah ayaa qaba ee kaligey kuma ahi .
Arrinka kale ee ummada somaliland dhibka ku ah waa konfuurta somaliya ama dadka reer konfuurka ah ee aad moodo inay yahiin bahalo is cunaya dadka kalena aan u ogoleyn nabad iyo horumar taasi oo markhati cad aay u tahay qaraxyadii hargeisa ka dhacay ee u muqday mid lagu arbushayo nabada iyo horumarka somaliland .
Xaqiiq shacabka somaliland waxay gareen guul tariikhi ah waxana anigu aad uga helay marka aan imid hargeisa markan arkay haween fiiqi ama xaqaya laamiga magaalada sacadana waxan ku qiiyasay adiga lix sac habeenimo xaqiiq kuma araag dhamaan dalka somaliya la oran jiray meel ka mid ah dad ka muwadiinsan shacabka reer somaliland waana in la amaana .
Waxan kale oo aad uga helay hanaanka nabadgelyada iyo amaanka dhamaan magaaloyiinka somaliland ka soo bilow ceerigaabo ilaa laascanood ilaa laga gaaro boorame dhamaan dhulkaas waxan ku arkay nabad buuxda oo la isku haleyn karo .
Maanta waxa la dhahi kara geesiyadii Snm himiladoodi waa la helay balse waxan wali meesha ka maqan marka la arki laha somaliland oo aduunka laga aqoonsan yahay oo dowlad ah lehna xukumad dimqaradi ah sida tan hada jirta oo kale .
Ugu Dambeyntii waxan hambalyo u diraya dhamaan shacabka somaliland waxan leyahay guul waa gaari doona balse waa marka aan heelo hoggaamiye niyad aay ka tahay gooni isku taaga jamhuuriyada somaliland
Yusuf Cali
Somalifans.Net Hargeisa