Goobaha Waxbarshada Ee Ku Yaala Moqadisho Oo La Xiray Kadib Markii Lacaag baad Ah La Weydiistay

keen-lacagQaar ka mid ah gobaha waxbarshada ee magalaad caasimada ah Muqdisho aya saaka gebi ahanba la fasaxay, kadib markii dablay hubaysan ay saakay tageen dhismooyinka Iskuuladaasi, kadibna ay weydiisteen in la siiyo lacago Baad ah

Gobahan ardadooda la fasaxay saakay ayaa waxaa ka mid ah Dugsiga Saacid primary iyo salmaan Al-Faarisi oo dhamaantood ku yaal dhanka Waqooyi ee magaalada Muqdisho

“Waxaa Saakay Iskuulkeen yimid laba nin oo dablay ah, kuwaasi oo maamulka Iskuulkayna weydiistay in la siiyo lacag dhan 200-Doolar, hadii kale ay layn doonaan arday Dugsigeena” ayuu yiri mid ka mid ah ardayda Dugsiga Saacid primary oo lagu magacaabo Xasan Cali oo uu waramyeey mid ka mid ah warbahinta ku taal magalaad muqdisho

Tuugtan Cusub ayaa ku hanjabtay 10-ka subaxnimo hadii aan la siinin lacagta ay dalbadeen ay dili doonaan ardayda qaar ka mid ah iyo maamulada Dugsiyadaasi, waxyna Go’aansadeen maamulada Iskuulaadkaasi inay albabada u xiraan Dugsiyadaasi

Isku soo duubo Ardaydii dhigan jirtay dugsiyadan ayaa saakay soo qaadan wax cashar ah, waxaana laga wal-walsan yahay mustaqbalka waxbarshao, hadii aan wax laga qaban xanibaada aay ku soo rogeen dugsiyada waxbarashada dablaydaan burcada ah

Hadaba moqadisho ayaa bilowday hawlahii lagu yaqaniin ee aay caanka ku aheyd ayaa la dhahi kara madama aay bilowdeen hawlahan cusub ee iskoolada iyo dadka masakiinta ah lagu weydiinayo lacaagaha xooga ah

 

 

Somalifans.Net Moqadisho

Advertisement
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers