Qormadeennan fanka iyo suugaanta oo aan ugu tala galnay in aan dib ugu soo nooleyno xusitaanka tariikhda fanka iyo suuganta qaaliga ah ee ay soomaalidu caanka ku tahay, waxa aan maanta jecelnahay in aanu maqaal waliba ku soo qaadanno Maahmahyo,Gabayo,Geeraarro Iyo Noocyada kale ee fanka oo ay tiriyeen abwaannada somaliyeed ee qaarkood, tariikjda somaliyeed baal dahab ah kaga jiran.
haddaba , walaalyaal cadadkan ugu horeya Ee Suugaanta u idiin Soo gudbin doono Website-ka Somalifans.Net waxa maanta ugu horeya Guurow la magac baxay ” HOOYADU WAA LAMA HURAAN” oo uu tiriyey Abwaan Careys Ciise Khaarsh Allaa ha u naxariiste .
Abwaanka isaga oo dareenkiisa ku cabbiraya qiimaha iyo qaayaha aan la soo koobi karin ee aay hooyadu leedahay ayuu waxa u Yiri ”
Hagaag waa loo socdaa hor waa loo sii hoydaa
Hadal waa hindisaa mudaan uurka hurudnoo
Culeys beey hayn jirtoo xannuun beey la hingatee
Hooyadu waa lama huraan
Ha’dii kale waxaan lahaa
Habeen goor uu bartamay caanihii beey nagu habtoo
Horaadkeey noo dhigtoo dharkii beey na huwisee
Hooyadu waa lama huraan
Calooshaadoon hif oran adiga oon ka haqab bin
Hunguri ma haweeysatee hooyadu waa lama huraan
Habaaq goor aad tahoo talaabta aan la hori karin
adoo ciidii hambaday dhaqsaba waa ku hinjisaye
Hooyadu waa lama huraan
Afka aan ku hadalniyo hanaankeeniyo hub qaad
Hagaag beey noo bartaye hooyadu waa lama huraan
Ha’dii kale waxaan lahaa
Innaga oon heybad qabin hal beeso aan subsan karin
Habaaskeey naga huftoo waa tii noo hiilisaye
Hooyadu waa lama huraan
Si eeynaan halis u galin hungurigeey suubisarkua
Dhaqsaba hoo nama dhahdee intii eey ka
Hubsataa iyada ayaa ku hormartee – Hooyadu waa lama huraan
Hadii Kale waxaan lahaa
Rerku haduu yahay hayaan hayinka aan saaran nahay
Higaankeey heeysatoo hoos beey kaala hadashoo
Intii aad ka hurudaa waa kuu heestaa hadana
Hooyadu waa lama huraan
Cilmiga shiikh ku hormariyo nin haamaan ah iyo hanad
Iyadaa soo heeyn jirtee – Hooyadu waa lama huraan
Hadii loo baahdo hiil geesiga loo habar wacdiyo
Fulayga aan haadka hubin iyadaa soo heyn jirtee
Hooyadu waa lama huraan
Ha’dii kale waxaan lahaa
Deeqsi aad soo heybsatoo hamuuntii kaa ba’ shiyo
Bakhayl aan kula hadleyn iyadaa soo heyn jirtee
Hooyadu waa lama huraan
Aabuhu waa howsha guud iyana hoos beey hayaan
Habantii guriga iyo hooygii beey noo huftaye
Hooyadu waa lama huraan
Ha’dii kale waxaan lahaa
Geed yare kaa hooshey meel hadii aad haah dhehdaa
Hubkii beey ka hindadoo iyada oon hagar laheyn
Haaw waa tii soo dhadee
Hooyadu waa lama huraan
Odaygu waa haajiraa hawuu meel ugu kacaa
Haduusan mowdku helin hortaadeey taagan tahee
Hooyadu waa lama huraan
Ha’dii Kale waxaan lahaa
Habeenkaad soo dhexdaa hurdada aad heshoo
Qalbiga waa ka hamidoo hiloow beey kuu qabtaye
Hooyadu waa lama huraan
horey adigoon aheyn dadkii beey u hanjabtoo
halyeey beey kaa dhigtoo Amaan beey ku huwisaye
Hooyadu waa lama huraan
Ha’dii Kale waxaan lahaa
Abaarta hawaarastiyo haraad meel loogu go’ay
Heeyhaata uu dhaanku yahay cirkuna haawanahayaa
Halihi eey soo heshaa hadeey hoo’ ina dhehdaa
Inaga oon soo hambeyn waatii aan heensanoo
Hamuuteedii horiyo dhab beey la hagoogataye
Hooyadu waa lama huraan
Sidii awr haama wada dusheedaan halabsanoo
Hah goortaa nama dhahdee waa noo sii hoorsataye
Hooyadu waa lama huraan
Ha’dii kale waxaan lahaa.
WAA SOCDAA
Walaalayaal haddii wax fikir ah inoo soo jeedinaysa oo ku saabsan dhinaca fanka iyo suugaanta ama inoo heyso murti ay somalidu leedahay, waxa aan ku soo dhoweynaynaa sharaf , fadlaan nala dareema muhiimadda ay noo leedahay in aan dib u soo nooleyno murtida somaliyeed
Taftiraha Somalifans.Net
Yusuf Cali
Somalifans.Net Hargeisa

BBC Subax


Gabaygii
Rayiga Akhristaha