Dhaarta Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka oo ka socota Dalka Djibouti


xildhinaanoWaxaa haatan Xarunta Guriga Umada ee wadanka Jabuuti ku sugan dhamaan Xubnaha Baarlamaankii hore & kuwa cusub ee dhinaca isbaaheysiga kuwaasi oo lagu dhaarinayo Halkaasi

Goobta ay ka dhaceyso dhaarta waxaa ku sugan Dhamaan xubnaha Ugu sareeya DFKMG ee Soomaaliya xubno ka socda Beesha caalamka si ay goob jog uga noqdaan dhaarinta xildhibaanada cusub ee ARS-ta oo gaaraya 200 oo xildhibaan waa haatan waxaa loo yeerayaa xubnaha Xildhibaanada Cusub si loo dhaariyo

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Prof Dalxa ayaa waxaa uu sharaxay sida ay maanta ahaan doono jadwalka Shirka ka socda MAgaalada Jabuuti ee la isku darayo Xubnaha Labada baarlamaan ee hore & Kuwa ARS-ta

Xildhibaanadii hore ee DFKMG ee Soomaaliya waxaa ka jooga 214 Xildhibaan kuwaasi oo maanta u codeeyay in wax laga badelo qodobka 32aad ee dastuurka Dalka Soomaaliya

SBC International Djibouti

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers