Walee Reer aan ogahay ma guuro Qalinkii-Prof Cumar Kaarshe

cabdilaahi20ciiseHambalyo

Allaa yacisag: Dr. Saleebaan Ciise Ahmed (xaglatoosiye) iyo
 Nuuradiin Axmed Diiriye waxaad sharafteen, sarena u qaadeen hankii iyo haybadii aqoon yahanka reer Puntland, ee ilaahay ha idinka abaal mariyo.

Waxaan si toos ah oon gabasho lahayn idiinku hambalyeynayaa
diidmadii iyo ka faanidii bareerka ahayd eed ku gacansayrteen ka
mid noqoshada dowlada kasha didsan. Taasoo laydinla rabay
ismiidaabin iyo isgawrac laydinla mindiraaciyo rag horay shaatiyadoodu
u wasakhoobeen oo cid ay sii jicsintaan doonaaya, weyse idinku soo
khaldameen yaryarkii u qaatay inaad sida hebelo qaarkood mansab raadis
tihiin. xaqiiqadiina tan oo kale waxay ka yiraahdaan soomaalidu
maahmaah xun, waanse ka xishoonayaa in lagu arko qormadeyda, amaba
afkayga laga maqlo.

Waxaad fahanteen waxa ka suurtoobi kara neef la gowracay oo la sii
daayey halkii laga qaqaban lahaa inta naftu ka baxayso, waana sida
xaaladoodu tahay maanta kooxda aan u bixiyey HABAAR BIIRAY ee
talada Puntland la kufaa dhaceysey min bilow ilaa yoomanaa hada.

Kooxda habaar biiray oo ciyaargud siyaasadeed lagu ibtileeyey, lehna
doonitaan xukun oo ka baxsan caadinimada qofka bini`aadaamka ah, waxaa
madaxmaray mansab raadis, wabarnimo jacayl iyo calool aan dhergin,
waxayna iyagoo ka faa`iidaystay hayb baasta ay la yihiina shacabka
dhul oolka ah ee Puntland dumiyeen dhamaan kaabayaasha noloshii
mujtamaca ee degaanku ku tiirsanaa.

Sidoo kale siyaasada sirgexan ee kooxdani adeegsadaan waxay ku
guuleysatey khaarijiska (assasination) gaarka ah (qof qof) iyo midka
guudba ee shakhsiyadii, garashadii iyo wax- isku-falkii shacabka reer
Puntland. Meeyey shacabkii tuugada iyo dhaca ka caaganaa? Xagey ka
baxeen dadkii midnimada ku dhaadan jirey, jifa jifaysigana ka
yaqyaqsanjirey? Aaway bulshadii xurmadu qancin jirtey een xoolo wax
moodi jirin? Aan u daayo jawaabta qofba siday la tahay, waxsaan ku
xusuusinaayaa akhristow in khaarijiska kooxda habaar biiray wadaan
dheeryahay, uusana ka kaaftoomin weli shacabka reer Puntland.

Waqti aan yareyn bey igu qaadatay in aan rumeysto in Pro. Farjac hal
codna ka waayey baarlamaanka dayeysan ee Puntland ee maalmihii
doorashada ugu dameeyey isu bedelay xaruntay isku fagaareeyaan reer
walboo damac u geeyey mahoobiga madaxtinimada Puntland. waxayse tani
ii xaqiijisay daqarku intuu qodanyahay!! (Aleylehe beeleha
baarlamaankaas kuraasta looga diidaa ka qaday ceeb adduun iyo cadaab
aakhiroba).

Waxse isweydiin mudan horta doorasho madaxweyne meesha ma ka dhacday?
Mise xintan qabiil oo saldano lagu loolamayaa dhacay?

kolka hogaamiyuhu hantida shacabka masaakiinta ah laga ururiyo khasnad
gaara ku shubto, siduu doonana ugu takrifalo ileyn isagaa sharciga ka
weyne, isla markaasna ciidamada qaranku noqdaan kuwo danihiisa gaarka
ah fuliya, hay`adihii fulinta, sharci dejinta iyo qaanuunkuna isaga
madiidin u noqdaan waxaa caalamku ninkaas ugu yeeraa Boqor. Xagaas
iyo Puntilandna………!!!

Xog iyo macluumaad loo qaateen ah oo aan soo ururiyey waxay ii
cadeeyeen in majara habowga iyo jaahwareerka Puntland la raaf
dhaqaajin weydey tahay saamaynta culus ee waxtar-lamoodka siyaasada
abtirsiinta ku dhisani ku leedahay dhismaha haykal dowladeedka.
Waxaana lagaga bixi karaa isbedel dhab ah oo dhinac walba ah, mana aha
oo kaliya in laba nin laysku bedelo, ee waa in cawda loo jaraa habkan
maamul ee nin keliyihi ummadda sidii xoolihii xero ku oodafeysanaayo,
isagoo weliba intuu geeljire soo didsado ku tookhaaya haddaan lay
dooran dagaal baan ridayaa! (war tolow wiilku xiniyo weynaa)

Waxaan leeyahay dhamaan aqoonyahanka iyo wax garadka reer Puntland aan
ku dayano saaxiibadeen Dr.Saleemaan iyo Dr. Nuuraddiin, halgankana ha
loo soo banbaxno. Puntland maanta yaa maali jirayey bey u
taagantahaye.

By Prof Cumar Kaarshe
Sweden

Xafiiska Wararka Ee Somalifans.Net

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers