Ciidammada ammaanka Somaliland ayaa guri ku yaala magaalada Hargeysa ku qabtay toban gantaal oo ah kuwa lidka diyaaradaha.
Sida uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) u xaqiijiyey Idaacadda BBC-da laanteeda afka soomaaiga in guri ku yaala mid ka mid ah xaafadaha magaalada Hargeysa ciidanka Boolisku ku qabteen toban gantaal oo ah nooca garabka laga rido ee loo adeegsado lidka diyaaradaha.
Md. Cirro waxa uu sheegay in gantaalahan laga keenay dalka Eratariya, isla markaana la soo mariyey Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Gobolka Galgaduud magaalo madaxdiisa Dhuusomareeb, isla markaana ciidanka ammaanku la socdeen dhaqdhaqaaqaha gantaalahana dalka lagu soo gelinayey, kadibna ay si deg deg ah u qabteen.
“Gantaalahan oo ah nooca degta laga rido ee loo adeegsado diyaaradaha waxa laga keenay dalka Eratariya, waxaana la soo mariyey Gobolka Galgaduud ee dalka Soomaaliya magaalo madaxdiisa Dhuusomareeb, ciidanka ammaanku intaa way la socdeen dhaqdhaqaaqa gantaalahan waana la qabtay,” ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in laba qof oo soomaali ah falka loo hayo, balse ciidanka ammaanku ay wadaan baadhitaan xoog leh oo ay ku baadigoobayaan cid kale oo lug leh amba cidda ka dambaysa.
Intii ka dambaysay qaraxyadii argagixiso ee hargeysa lala beegsaday 29/10/2009 ayaa ciidanka ammaanka Somaliland waxay galeen heegan culus iyo foojignaan dheeraad ah, iyaga oo baadhitaano iyo dabagal ku sameeya gaadiidka magaalooyinka iskaga goosha iyo kuwa jidadka magaalada Hargeysa maraba iyo weliba madaarada oo ay ammaankooda aad loo xoojiyey.
Cabdishakur X.muxumed [C/Shakuur Heersare]
Oodweynenews.com/Hargeysa
Ciidanka Ammaanka Somaliland oo Hargeysa ku Qabtay Toban Gantaalada Lidka Diyaaradaha ah
Posted on January 23, 2009 by Admin
Advertisement