Ciidamada Dowlada Ethiopia Oo Baneeyay Qeybo Ka Tirsan Fariisamahodii Magaalada Moqadisho Iyo Labo Beelaha Hawiye Oo qeybsan Meelahi aay ka baxeen Ethiopian-ka

ethopiaCiidamada Dowlada Ethiopia ayaa ka baxay Maanta qeybo ka mid ah magaalada moqadisho Goobaha aay ciidamada Ethiopia iskaga Baxeen waxa ka mid ah warshadii Baastada, dhismaha Xeyla Bariise iyo qeybo ka tirsan jidka Warshadaha oo ay deganaayeen ciidamadaasi, waxaana saakay boqolaal dadweyne Reer Moqadisho ah aay ku soo tooseen ciidamadii ethiopia oo baxay markay arkeena waxay bilabeen farxad iyo sacab aad uu weyn in kasta oo aan la aqoon waxa ka dambeyn doona, dadka reer moqadisho ayaa daawasho weyn u galay Goobaha aay ka baxeen ciidamada Dowlada Madama Aay Dadku hore Dadku u gali Kari jirin meelaha ay ka deganaayeen ciidamada Ethiopia

Goobaha ay ka baxeen ciidamada Itoobiya ayaa durbadiiba saakay waxaa lagu arkayey ciidamo ku labisan dareeska caadiga iyo Cimaamadaha gaduudan ee lagu yaqaan Gambo Yarta Maxkamadaha aay ku bilabeen qeybsasho Iyo Kooxba Meel fariisad Waxana Kooxaha Kala qabsaday Kala Yahiin Kooxda Shariifka Abgaal Iyo Kooxda Xasan Daahir Aweys Ee Habargidir

Ciidamada Ethiopia ayaa hada ku suugan goobahii ugu waweyna ee Moqadisho aay ka deganayen oo aay ka mid tahay wasaaradii hore Ee gaashaandhiga, xerada Asluubta, Garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho iyo xarunta Madaxtooyada Somaliya, waxaana la filaya inay ka baxaan goobaha saacadaha soo socda waxana xusul duub ugu jira qabsashada meelaha ciidamada kala tabacsan Labada Beelod Ee Habar Gidir Iyo Abgaal&Murursade oo isku dhinac ah

Ka bixitaanka Ciidamada Dowlada Ethiopia ayaa fikiro kala duwan ka qaban dadka reer moqadisho qeybtood waxay qaban hadii Ciidamada Ethiopia ka baxan dalka in la geeli doono dagaal sookeye halka qeybta kalena aay aad uu soo dhoweeynayan Bixida Ethiopianka Iyo Ciidamada Puntland Ee ku sugan Moqadisho .

 

Yusuf Cali

 

Xafiiska Wararka Ee Somalifans.Net

Somalifans@hotmail.com

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 47 other followers