qof kasta oo niyaaysta in uu guto rukniga shanaad ee arkaanta islaamka, marka uu fekero,oo galo kacbada barakaysan ee xurmada leh, waa kushuucaayaa,waxaana niyadiisa ku soo dhacaysa xikmada rabbi ee ka
danbaysa,ummadaha feeraha qaawan oo qalbiyadoodu meel u wada jeedaan, oo ah iimaan midaysan iyo rumayn rabbi keligiisa ah xujaydaas xiran isku-dharka,iskuniyada ah , oo kuwada hadaaqaya oraah labbayka allaahu malabbayka, oo qalbiyadooda mid yihiin iyagoo ka kale yimid daafaha dalalka aduunka, qorraxdu meesha ay ka soo baxdo ilaa meesha ay u dhacdo
isku waqti,isku-goob,isku-saacad waa arrin mudan ta’amul iyo
feker badan iyo in rabbigii wayna abuuray la xasuusto.
mucjisooyinka xajka waxaa laga xasukaraa,: boqcad ka yar hal km ee kacbada shariifka ah ee maka,oo ay ku soo ururaan
xilliga xajka dad ku dhow dhowr malyan oo xaji,taas oo ah
goob ammaan ah,buuq yar, nadaafad heer sare leh, oo ka reeban wax kasta oo Eebe xaaraan timeeyey, dadku
siman yahiin,mid xoolo leh,mid madax ah iyo mid shacab caadi ah oo aan la kala sarrayn , oo isku dhar xiran ,
lawada caga cad cad yahay,rag iyo dumarba,oo aan weysada
la kala gadin dudaha xaramka,waxay qanac iyo iimaan ugu
filan tahay malaayiinta qof oo bogcadaas barakaysan
cabaadada u soo doontay
haddaan tariikhda dib ugu noqonoo,xujaydii sanadkii 1971,
bishii january,kama badnayn 50kun oo xaaji sanadkaas,
meesha 2006/2007 ay ka ahaayeen in ku dhow saddex malyan sida ay sheegtay wasaarada xajka ee sucuudiga(ksa)
waxaana is-waydiin mudan,oo ka maqan maskaxda madaxda
sucuudiga(ksa) sida laga yeelayo xujayda kordhaysa sannad
walba,dhulkuna intiisii yahay oo meel kasta buuro kaga xeeran yahiin,,,, sannadku marka ay gaadho 2015 waxaa suurta gal ah in xujaydu gaarto 10Malyan.
waa su’aal ku socota madaxda sucuudiga(ksa),ma tirada dadka ka soo xajinaysa aduunka ayay yarayn doonaan?
taaso adag , mise buuraha xaramka ku teedsan ayay tir-tirayaan?, waa imtixaan hor yaala dowlada sucuudiga(ksa)
waxaase taariikhayn mudan,in dadaalka dib habaynta,
ballaarinta iyo dhowrida gobaha barakysan ay wadaan madaxda sucuudigu ay xag alle ajar ka helayaan,
ummadaha aduunkana xurmo iyo qadarin ka haystaan ..
W/Q Yusuf Cali
Yusufcali@live.com
Filed under: Uncategorized Tagged: | Arrimaha Islaamka, News In English